Araweelo News Network.

#Somaliland: #Natiijooyinka La Shaaciyay #Kursaata #Wakiillada Iyo#Gollayaasha#Deegaank#Burco,#Ceergaabo,#Berbera,#Sool,#Boorama Iyo #Gebilay

#Hargeysa(ANN)-#Natiijooyinka #Guddida #Doorashooyinka heer Gobol iyo heer Degmo ee gobolka Saaxil, Sanaag, Togdheer, Awdal, Sool iyo ifafaalaha kasoo baxay natiijada hordhaca ah ee degmada Doorashada Gebilay ee la shaaciyay oo la filayo in ay saamayn ku yeelato natiijada codadka guud xubnaha gollaha wakiillada Maroodijeex ee weli laalan iyo Degmada oo ka maqan gobolka.

Sida ay shaaciyeen natiijada hordhaca ah ee saddexda Xisbi ugu kala guulaysteen Kuraasta gollaha Deegaanka iyo gollaha Wakiillada, ayaa muujisay Xisbiga WADDANI, uu hoggaaminayo  kuraasta gollaha wakiillada heer gobol ee Togdheer iyo gollaha deegaanka, iyadoo ay isku barbar dhaceen labada Xisbi ee Muxaafidka KULMIYE iyo xisbiga yar ee sita magaca Mucaardka UCID.

Gollaha Deegaanka ee Burco ayaa ah 13 xubnood, waxaana xisbiga mucaaradka WADDANI ku guulaystay 5 xubnood, halka KULMIYE iyo UCID isku barbar dhaceen, iyadoo KULMIYE helay 4 xubnood, kala UCID uu helay 4 xubnood.

Akhri: #Natiijooyinka#Sanaag,#Togdheer Iyo#Awdal Ee #Gollaha Wakiilllada #Somaliland Oo Mucaaradku Heleen Aqlabiyada 52 Kursi

Sidoo kale, Natiijada hordhaca ah ee la shaaciyay gollaha wakiillada Gobolka Todheer, Xisbiga mucaaradka ee WADDANi, ayaa helay kuraasta ugu badan, wuxuuna tirada kuraasta gobolka  oo ah 15 Xidlhibaan  ka helay 7 muddane, halka Kulmiye  uu ka helay 4 xildhibaan oo ay isku barbar dhaceen xisbiga yar ee mucaaradka UCID oo helay 4 xildhibaan.

Natiijadda Kuraasta Gollaha Deegaanka ee Degmada Ceergaabo  oo 13 Kursi ah, Xisbiga WADDANI , wuxuu helay 5 xubnood, KULMIYE 5 xubnood, halka Xisbiga UCID, ka helay 2 xubnood, balse Natiijada hordhaca ah ee Gobolka Sanaag ee gollaha Wakiillada oo saddexda Xisbi KULMIYE , WADDANI iyo UCID ku tartamayeen 12 kursi oo kuraasta gobolka ee Gollaha wakiillada ah, taas oo natiijada hordhaca ah la shaaciyay inyy ku hoggaaminayo Xisbiga Mucaaradka ee WADDANi, isagoo ku guulaystay 5 xildhibaan, halka xisbigul xaakimku Kulmiye helay 4 xidlhibaan, xisbiga yare e mucaaradka ee UCID uu helay 3 Xildhibaan.

Gobolka Saaxil Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Degmada Berbera, ayaa shaaciyay in kuraasta gollaha deegaanka Degmada Berbera Xisbiga WADDANI, helay 4 xubnood, halka Kulmiye ka helay 6 Xunood, xisboga UCID, ayaa dhankiisa helay 3 xubnood, iyadoo gollaha deegaanka Degmada Berbera yahay 13 xubood.

Hase yeeshee Kuraasta gollaha Wakiillada ee gobolka Saaxil oo 10 kursi ah, waxay saddexda Xisbi Kulmiye oo 5 xildhibaan helay, halka labada Xisbi ee mucaaradka ay qaateen lix xildhibaan, iyadoo WADDANI helay 3 xildhibaan, halka UCID uu helay 3 xildhibaan.

 

Sida ay shaaciyeen Guddidaya Doorashooyinka ee heer Gobol iyo heer Degmo, Gollaha Deegaanka ee Degmada Boorama ayaa labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE  isku barbar dhaceen, waxayna kala heleen kuraasta Degmada ee gollaha deegaanka, WADDANI, 5 xubnood, KULMIYE, 5 Xubnood iyo Xisbiga UCID oo helay 3 Xubnood.

Sidoo kale, Natiijada gobolka Awdal oo kuraasta gollaha wakiillada ku leh 13 kursi, waxa isku barbar dhacay labada Xisbi ee waaweyn Xisbul xaakimka KULMIYE iyo xisbiga Mucaaradka ugu weyn ee WADDANi, waxayna kala heleen KULMIYE, 5 Xidlhibaan, halka WADDANI uu helay 5 Xidlhibaan,  xisbiga UCID, ayaa he;lay 3 xildhibaan.

Dhinaca kale, natiijada hordhaca ah ee shalay la shaaciyay xildhibaanada gollaha wakiillada gobolka Sool oo 11 kursi lagu tartamayay, waxay saddexda Xisbi kala heleen KULMIYE, 5 xildhibaan, WADDANI, 4 xildhibaan iyo UCID oo 3 xildhibaan ah.

#Natiijooyinka ilaa hada muuqda marka laga yimaado kuraasta Degmoouinka waaweyn shanta  gobol ee ilaa hada la shaaciyay kuraasta gollaha wakiillada sida loogu kala guulaystay,  Sool, Sanaag, Togdheer, Saaxil iyo Awdal oo la shaaciyay in Xisbiga Mucaaradka ee #WADDANI, ku huggoominayo #24 Xildhibaan labada Xisbi ee kale isu geynta kuraasta gollaha wakiillada ee la shaaciyay oo nqonay #62 xildhibaan.

 

Dhinaca kale, saddexda Xisbi ayaa si adag ugu tartamay kuraasta Degmada Gebilay ee gollaha deegaanka,sida ka muuqata natiijada la shaaciyay, waxayna ahmiyad weyn iyo saamayn ku yeelanay kuraasta laalan ee gobolka Maroodijeex oo weli aan la shaacin, iyadoo Degmada Hargeysa oo iyada lafteeda aan weli la shaacin ay labada degmoba codadka iyo kuraasta gollayaasha deegaanka sida loo kala helaa saamayn ku yeelanaan natiijada laalan ee Gobolka Maroodijeex, balse waxa xaqiiq ah natiijadeeda kuraasta Maroodijeex oo 20 kursi ah ay wax ka bedeli karaan kuraasta gollaha wakiillada tirooyinka ay kala haystaan saddexda Xisbi, waxaase xaqii ah in doorashada gollaha wakiillada 31 May 2021, marka laga yimaado xisbiga mucaaradka ugu weyn ee hoggaaminaya 62 kursi oo natiijadooda hordhaca ah la shaaciyay ay labada xisbi ee mucaardku si weyn aqlabiyad ugu muquuniyeen xisbul xaakinka Kulmiye, taas oo si cad u iftiimisay guuldaro weyn in xisbigaa oo deegaamo aan weligii lagaga badin doorashada lagu muquuniyo, taas oo noqonay farriin ku socota xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo hoggaanka Xisbiga.

Si kasta ha ahaatee natiijada weli laalan ee gobolka Maroodijeex ayaa xaqiiqdii ay ku xidhantahay marka laga yimaado guusha qaran ahaan Somaliland ee doorashada in ay axsaabtu jawaabo kala kulmi karaan, waxaase la dhawrayaa inta lasoo saarayo natiijada hordhaca ah, taas oo la  filayo in lasoo saaro ilaa caawa, ama saacadaha soo socda. Kala soco shebekadda Araweelo Nerws Network oo u dhegtaag.

Fadalan haddii la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com