Araweelo News Network.

#Somalialnd: #Natiijooyinka Kuraasta Wakiillada #Sanaag, #Togdheer,#Awdal  Iyo #Sool, Mucaaradka Oo Helay Aqlabiyada #52 Kursi Oo La Shaaciyay 82 Kursi oo Gollaha Wakiilladu Koobanyahay

#Natiijooyinka,#Hargeysa, (ANN)-#Natiijooyinka, hordhaca ha ee #Gollaha Wakiillada #Somaliland, gobollada #Sanaag, #Togdheer iyo #Awdal, ayaa la shaaciyay, iyadoo Guddiyada doorashooyinka ee heer gobol ku dhawaaqeen maanta  natiijooyinka hordhaca ah.

#Natiijooyinka ilaa hada muuqda saddexdaa gobol  marka lagu daro Sool oo shalay la shaaciyay in Xisbiga Mucaaradka ee #WADDANI, ku huggoominayay labada Xisbi ee kale isu geynta kuraasta gollaha wakiillada ee la shaaciyay oo ah #52 ka helay  #21 Xildhibaan.

Waxa muuqata natiijada hordhac ah in laysku muquuniyay cod oo loolan adag uu saddexda Xisbi ee #KULMIYE, #WADDANI iyo #UCID, ku dhexamay gobollada  #Sool, #Sanaag, #Togdheer iyo #Awdal, iyadoo 52 xildhibaan ilaa hada la shaaciyay oo mucaaradku marka laysku daro si weyn aqlabiyad ugu hoggaaminayaan 52 kursi oo ka mid ah 82 xildhibaan ee tirada kuraasta gollaha wakiillada Somaliland.

Natiijada hordhaca ah ee ay shaaciyeen Guddida doorashooyinka Qaranka, ayaa lagu xaqiijiyay xildhibaannada ku soo baxay doorashada Golaha Wakiillada ee Gobollada Sanaag, Togdheer iyo Awdal, waxaana hada baaqi weli ah oo la sugayaa natiijooyinka Maroodijeex oo tirada xildhibaanda giobol ahaan ugu badan, kuwaas oo noqonaya 20 xildhibaan.

Sidoo kale Gobolka Saaxil oo 10 Xidlhibaan, waxayna saddexda xisbi hada sugayaan 30 kursi oo gobollada Maroodijeex iyo Saaxil ah sida natiijadoodu noqoto iyo sida ay u kala helaan.

Natiijada hordhaca ah ee Gobolka Sanaag waxay saddexda Xisbi KULMIYE , WADDANI iyo UCID u kala heleen sidan:

Gobolka Sanaag, waxa hoggaaminaya Xisbiga Mucaaradka ee WADDANi, wuxuu ku guulaystay 5 xildhibaan, Kulmiye ayaa helay 4 xidlhibaan, halka UCID uu helay 3 Xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee la shaaciyay Gobolka Todheer, Xisbiga mucaaradka ee WADDANi, ayaa helay kuraasta ugu badan, wuxuuna tirada kuraasta gobolka  oo 15 Xidlhibaan ah ka helay 7 muddane, halka Kulmiye  uu ka helay 4 xildhibaan oo ay isku barbar dhaceen xisbiga yare e mucaaradka UCID oo helay 4 xildhibaan.

Natiijada gobolka Awdal oo kuraastu tahay 13 kursi, waxa isku barbar dhacay labada Xisbi ee waaweyn Xisbul xaakimka KULMIYE iyo xisbiga Mucaaradka ugu weyn ee WADDANi, waxayna kala heleen KULMIYE, 5 Xidlhibaan, halka WADDANI uu helay 5 Xidlhibaan,  xisbiga UCID, ayaa he;lay 3 xildhibaan.

Dhinaca kale, natiijada hordhaca ah ee shalay la shaaciyay xildhibaanada gollaha wakiillada gobolka Sool oo 11 kursi lagu tartamayay, waxay saddexda Xisbi kala heleen KULMIYE, 5 xildhibaan, WADDANI, 4 xildhibaan iyo UCID oo 3 xildhibaan ah.

Natiijooyinka weli laalan ee gollaha wakiillada ee Maroodijeex iyo Saaxil ayaa la filayaa in lasoo saaro ilaa caawa, ama saacadaha soo socda. Kala soco shebekadda Araweelo Nerws Network oo u dhegtaag.

Fadalan haddii la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com