Araweelo News Network.

 

#Guddoomiyaha #Doorashooyinka #Degmada Oo #Tirooyin Is #Khilaafsan Shaaciyaya

> #Codadka Guud , #Magacyada #Xidlhibaanada Iyo Tirooyinka

#Berbera(ANN)-#Guddida #Doorashooyinka heer Gobol iyo heer Degmo ee gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera, ayaa shaaciyay natiijada hordhaca ah ee sida ay saddexda Xisbi ugu kala guulaysteen Kuraasta gollaha Deegaanka iyo gollaha Wakiillada.

Natiijada ayaa lagu shaaciyay 10 xildhibaan oo saddexda Xisbi ee KULMIYE, WADDANi iyo UCID ay kala heleen iyo sagaal kursi oo gollaha deegaanka Berbera ah.

 

         Degmada Bebera Gollaha Deegaanka

Xisbiga UCID 3 xubood ayuu helay, isu geynta  tirada codadka Degmada wuxuu ka helay 11,489 cod

Kumiye  5 tirada codadka Degmada 14, 489 cod (Xisbiga KULMIYE 23, 804 cod) Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Degmada Berbera ayaa labada tiriba sheegay, isagoo xisbiga KULMIYE yeedhay laba jeer oo isku xigta).

WADDANi  4 xubnood, tirada codadka Degmada 15, 477 cod.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Degmada Berbera, wuxuu sheegay in wadarta guud tirada codadka Degmada Berbera ay noqonayaan 53, 779 cod bixiye  sida uu sheegay, waxaana ka muuqata tirooyinka uu shaacinayo kahkhal badan, iyadoo ay is khilafsan yihiin tirooyinka uu yeedhiyay guud ahan.

                    

             Xildhibaanada Gollaha Wakiillada Ee Gobolka Saaxil             

 

                              UCID, 3 Xldhibaan

  • Cali Jaamac Carraale Barre (Cali Qaran) 3,362 cod
  • Maxamed Jaamac Liibaan Cawaale , 3,036 cod
  • Mubaaraik Xuseen Maxamed Xeel-dheer, 2,384.cod

 

                                  Xisbiga KULMIYE

  • Xirsi Cabdulaahi Xirsi Odowaa, 5,167 cod
  • Aadan Cismaan Xarbi Cawaale 4,790 cod
  • Cabdullaahi Muuse Cabdi Cawaale 3,318 cod
  • Cabdirashiid Cabdullaahi Muuse 2,478 cod

                     Xisbiga WADDANI

1-Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud 3, 459 cod

2-Xasan Cumar Xasan Rooble 3,026 cod

3-Cabdiraxiim Hugur Cabdi Guule  (jabajabka lama shaacin tirada uu helay)

Xsibiga UCID tirada Guud ee gobolka Saaxil 20,456

Xisbiga KULMIYE 26, 567 cod

Xisbiga WADANI 18, 745 cod.

 

 

Guddoomiyaha  Degmada Berbera ee Doorashooyinka halkan Ka Dgegeyso.

Natiijooyinka weli laalan ee gollaha wakiillada ee Maroodijeex  waxaana la filayaa in lasoo saaro ilaa caawa, ama saacadaha soo socda. Kala soco shebekadda Araweelo Nerws Network oo u dhegtaag.

Fadalan haddii la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com