Araweelo News Network.

#Somaliland@Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Soo Saaray War La Xidhiidha Kuwa Danaynaya Tartanka Doorashooyinka

Farriinta Kommishanka doorashooyinka ee shuruuddaha murrashaxiinta u tartamaya doorashooyinka Wakiillada iyo golayaasha deegaanka Somaliland Image File Araweelo News Network 20 Feb 2021.

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddeeeyey in muddada sharcigu u banneeyey inay isku casilaan dadka shaqaalaha dowladda ah darajo kasta oo ay leeyihiin iyo saraakiisha ciidammada ay ku ekeyd 2 March 2021, taas oo maanta oo Salaasa ah ku beegnayd.

Waxay sheegeen in muddada sharcugu oggolaa inay isku sharaxaan Golayaasha Wakiillada iyo degaannada ay ugu dambayso maanta.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka isla markaana uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka ee Araweelo News Network. ayaa lagu yidhi.

“Sida aynu wada ognahay waxaa dalka ku soo fool leh doorashooyinka isku sidkan ee labada gole ee Wakiilladda iyo deegaanka oo ku mudaysan 31-ka bisha may 2021.

Guddida doorashooyinka qaranku waxa uu faray Murrashaxiinta u taagan doorashooyinku inay banneeyaan shaqada ay ka hayaan hay’addaha qaranka.” ayaaa lagu yidhi.qoraalka.

 

“Xeerka guud ee doorashooyinku Xeer Lambar 91/2020, wuxuu ku waajibinayaa shaqaalaha dawladda,Ciidamadda qaranka iyo hay’adaha dawliga ah darajo kasta oo ay yihiin in aan loo ogolayn inay isku sharaxaan doorashooyinka Wakiilladda iyo deegaanka hadii aanay shaqo ka tagis soo qorin 90 Cisho ka hor qabsoomidda doorashadda.”.

 

“Sidaa daraadeed waxa uu Komiishanku ku wargalinayaa cid kasta oo doonaysa inay ka qayb qaataan doorashadda gollaha wakiillada iyo gollayaasha deegaanka ee ku mudaysan 31-ka bisha May 2021 in Xiliga sharcigu u xadeeyay soo gudbinta is casiladoodu ay tahay ugu danbayn 02.03.2021 ( oo maanta ku beegan”.

Warsaxaafadeedka Guddida doorashooyinka, ayaa intaa ku daray in shaqo ka tagistaaay shardi u ah inuu qoraal ku soo cadeeyo, Xafiiska, Hay’adda ama cida awooda u lihi sida uu waajibinayo qodobka 90-aad ee xeer Lambar 91/2020.

Sidoo kale waxa uu Guddida doorashooyinka qaranku sheegay in ay cadaynayaa inay reeban tahay in hantidda qaranka loo isticimaalo ololaha doorashooyinka sida ku cad qodobka 94-aad ee Xeer Lambar 91/2020.