#Araweelo_News_Nerwork.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad sannadeediisa maanta ka jeediyay fadhi ay mudanayaasha labada golle ee Wakiillada iyo Guurtida kasoo xaadireen, wallow aqblabiyada xildhibaanada gollaha Wakiilladu ka maqnaayeen madasha.

Madaxweyne Biixi, wuxuu khudbadaa kaga hadlay arrimo kala duwan iyo sidoo kale duruufo iyo waayo kala marxalado, duruufo iyo taariikh ahaa, isagoo ku muujiyay khudbadiisa in Xukuumaddihii kala danbeeyay ee Xisbiga KULMIYE, oo dalka ka talinayay laga soo bilaabo 2010, horumar ballaadhan gaadhsiiyeen, dhinacyada dhaqaallaha, siyaasadda, doorashooyinka, addeegyada aasaasiga ah iyo ka midha dhakinta qadiyada Madaxbannaanida qaranimada Somaiiland.

Xukuumadihii KULMIYE ee kala dambeeyey ee shacabku doortay, waxa ay dadaal badan u galeen in ay fuliyaan barnaamijyaddii Xisbiga KULMIYE uu ummadda u soo bandhigay. Waxa Illaahay mahaddii ah, in ballan-qaadyadaa intoodii badnayd ay fuliyeen. Waxaynu taas ka arkaynaa Miisaaniyadda Qaranka halka ay ka soo qaadeen 2010-kii oo ahayd 285 Bilyan SL Shilling ah, waxayna soo gaadhsiiyeen 2.25 Tirilyan SL Shilling 2023-kii, taas oo ah in Miisaaniyadda Qaranka la kordhiyey 787%.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

 

Khudbada Madaxweynaha oo dhammaystiran halkan ka Daawo.

 

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shabakaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com.