Araweelo News Network.

 

Maxay Yihiin Dhaqdhaqaaqyada Xukuumaddu Ka Qaylisay

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay in ay joojisay shirar ay sheegtay in dhalinyaradda Somaliland qabsanayaan oo la doonayay in lagu qabto Magaaladda Caasimada ah ee Hargeysa,

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Badhasaabka uu Madaxweyne Biixi dhowaan magacabay ee Mariidi-jeex, Maxamed Cilmi Axmed.

Badhasaabka Gobolka Maroodijeex, wuxuu qoraalkiisa ku socodsiiyay Taliyayaasha Booliska ee qaybaha Galbeedka iyo Bariga ee Magaalada Hargeysa, Shirkaddaha Daacaaddaha iyo Huteeladda Magaaladda.

Sidoo kale, waxa oggaysiin la siiyay Wasiirka Arrimaha Guddaha, Wasiir ku xigeenka,Taliyaha Booliska,  iyadoo Badhsaabku ku xusay qoraalkiisa in lagu wargelinayo Taliyayaasha Bariga iyo Galbeedka in la joojiyay oo aan lagu qaban karin Huteelada Magaaladda Hergeysa, wuxuu ugu yeedhay “Shir-beelleedyo”.

Sidaa awgeed, wuxuu sheegay in shirararkaa oo dhalinayarada loo qabanayo la doonayo in Bulshadda layskaga hor keeno, balse Badhasaabku si cad umma xusin cidda wada shirrarka uu sheegayo iyo ujeeddada laga leeyahay, wuxuuse ku tilmaamay kuwo nabadgelyada wax loogu dhimayo oo aannay xukuumaddu aqbalayn.

Dhinaca kale, waxa amarka Badhaabka gobolka Maroodi-jeex  ee kasoo baxay maanta xafiiskiisa kusoo beegmay, iyadoo ay muuqdaan sansaano isbedel doon siyaasadeed oo xilligan u hanqal taagaya doorashadda Madaxtooyadda ee 2022, balse aan weli la muddayn, maadaama xilligii dastuuriga ahaa ee Madaxweyne Biixi gabaabsi yahay, isla markaana saaxada siyaasada laga dareemo dhaqdhaaqyo isbedel doon oo salka ku haya saluug is biirsaday oo laga muujinayay xukuumadda Madaxweyne Biixi ee muddadeedu gabaabsiga tahay.

Sidoo kale, waxa muddooyinkii u danbeeyay socday dhaqdhqaaqyo iyo abaabul deegaamada qaarkood, sida qaar ka mid ah Deegaamada Saaxil, Burco iyo Hargeysa oo iclaaminayay shirar, wallow ay muujinayaan dhawaaqyo ay kaga cabanayaan in xukuumaddu doonayo in ay baajiso shirarkooda.

Dhinaca kale, waxa xusid muddan in xukuumadda Madaxweyne Biixi oo si weyn xisbigeeda loogaga adkaaday doorashooyinkii u danbeeyay ee gollayaasha Wakiillada iyo Deegaanka 31 May 2021, kaddib markii mucaaradku si baaxad leh ugu guulaysteen, isla markaana ay si dhab ah farriin ugu dirtay natiijada doorashadu Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa.

Sidoo kale, muuqaalka natiijada doorashooyinkaa ee sababay in ay codad la yaab leh ku guulaystaan Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo qaab kacdoon dhalinyaro ah oo dumiyay deyararka qabyaalada ee hore ugu taxnaa marka la gaadho doorashooyinka.

Xilligaa waxay si cad kumanaan dhalinyaro ah codkooda ugu aamineen shaqsiyaadkii ay u arkayeen in ay ku haboon yihiin, iyagoo aan u eegayn haybtooda iyo deegaanka ay kasoo jeedaan, waxayna arrintaasi noqotay farriin kale oo ku waajahan xukuumadda, siyaasiyiinta iyo cid walba oo marka la gaadho doorashooyinka usoo tollata shaadhadh leh middabo deegaan, ama astaan qabyaaladaysan.

Sidaa awgeed waxa suurtagal ah in shirarka ay xuukaddu sheegay ee dhalinyaradda ay qayb ka yihiin diyaargarawga doorashada aan weli la shaacin ee Madaxtooyadda Somaliland iyo sidii ay isbedel dhab ah siyaasada dalka ugu samayn lahaayeen, marka la gaadho xilliga doorashada, balse ay taasi cabsi iyo wer-wer ku abuurtay Xukuumadda oo ay sabab u tahay dhawaaqa joojinta shirarka ee sida gaarka ah uu dhalinyaradda ugu xusay, wallow weedhaha uu adeegsaday ee eedaymaha aan waddan markhaatigu u muuqdeen kuwo xajiimayn ah oo la doonayo keliya in lagu hor istaago, ama lagu baaciyao dabaylo siyaasadeed oo soo guuxaya, kuwaas oo ay xukuumaddu ka walaacsantahay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.