Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad oo loo sameeyey  341 Arday oo ka qalinjabiyey Jaamacadda Edna Aadan ee Magaaladda Hargeysa, kuwaas oo bartay Caafimaadka.

 

AltL Araweelo News Network, Image 11 Oct, 2021.

Munaasibadda qalinjebinta oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, safiirro, hormuudka kala duwan ee jaamacadda Edna, macallimiinta Ardayda maanta qalinjebisay iyo waalidiintooda iyo marti-sharaf kale.

Madasha, ayaa laga soo jeediyey hadallo lagu bogaadinayo da’yarta cilmiga baratay laguna hogo-tusaalaynayo sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba ugaga faa’iidayn lahaayeen aqoontooda.

 

Mustafe Xasan Daahir oo ku hadlayey magaca maamulka Jaamacadda Edna oo halkaas ka hadlay, ayaa u mahadnaqay madaxweynaha qaranka iyo masuuliyiinta kala duwan ee munaasibadda ka qaybgashay, waxana uu bogaadiyey Ardayda maanta qalinjebisay oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

AltL Araweelo News Network, Image 11 Oct, 2021.

Haboon Abibakor Qalinle oo ku hadashay magaca Ardayda maanta qalinjebisay, ayaa ku dheeraatay dedaalkii ay Arday ahaan naftooda geliyeen sidii ay halkan usoo gaadhi lahaayeen, iyada oo u mahadnaqday waalintoodii, macallimiintii wax soo bartay iyo dhammaanba madaxda qaranka ee maanta munaasibadda farxaddooda kala qaybgalay.

 

Aasaasaha, ahna madaxweynaha jaamacadda Edna, Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo halkaas khudbad dheer ka jeedisay, ayaa si qoto dheer u sharraxday dedaalka iyo naf-hurnimada ay jaamacad ahaan geliyeen geliyeen Ardayda maanta qalinjebisay.

Marwo Adna waxay hoosta ka xarriiqday inay kalsooni baddan ku qabto aqoonta Ardayda, islamarkaana ay yihiin kuwo isbeddel muuqda bulshadooda ugu horseedi kara bulshadooda, iyadoo ku adkaysay inay noqdaan kuwo qarankooda ilaashada oo feejigan.

 

Maayarka caasimadda Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge oo munaasibadda ka hadlay, ayaa hambalyeeyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu ku waaniyey inay dedaalkooda waxbarasho sii labanlaabaan, maankana ku hayaan in mustaqbalkii dalkooda iyo koodiiba uu gacantooda ku jiro.

 

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa isaguna bogaadiyey Ardayda qalinjebisay, waxana ku adkeeyey inay yareeyaan ku tiirsanaanta dadka kale, naftooda horumariyaan, aqoonta ay barteenna ku shaqo tagaan.

Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay Ardayda qalinjebisay, ayaa si kal iyo laab ah u hambalyeeyey Ardayda, waalidintooda iyo macallimiintii ku tacabtay, waxana uu kula dardaarmay inay muujiyaan midhaha tacabkii la geliyey, kaalintoodana ka qaataan horumarka qarankooda.

 

Madaxweynuhu waxa uu quruxda Ardayda qalinjabisay ku tilmaamay mid qaranku ku faani karo, isaga oo bogaadiyey cid kasta oo kaalin ka qaadatay inay kaalintan soo gaadhaan, gaar ahaan Marwo Edna Aadan oo dedaalkaas ku suntan.

“Hambalyo inta qalinjebisay maanta, Hambalyo waalidiinta kusoo tabcay, hambalyo shaqaalaha iyo madaxda jaamacadda, hambalyo wasaaradda Waxbarashada, si gaar ah hambalyo Dr. Edna Aadan Ismaaciil, hambalyo dhammaan qaranka Somaliland ee ay maanta usoo baxeen intan oo mutacallimiin ahi.” Ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Biixi, aaya markaa kaddib shahadooyin iyo abaalmarinno kala duwan ku guddoonsiiyey Ardaydii kaalmaha hore ka gashay kulliyadaha kala duwan ee ay jaamacaddu ka kooban tahay, kuwaas oo bartay qaybaha kala duwan ee caafimaadka.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.