Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu xaaladii deg-dega ahayd ka qaaday deegaamada Ceel-Afweyn iyo Gar-adag oo ka mid ah gobolka Sanaag,

Xaalad Deg-deg ah ee Madaxweynuhu kusoo rogay deegamada gobolka Sanaag April, 30th, 2019, kadib markii uu kusoo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 04/042019.

Qoraalka ku laalay xaalada deg-dega ah, wuxuun  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kusoo saaray maanta  wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/WAG/WG/ CQS/081/4/224/ 234/037-332/062019, taas oo uu ku laalay xaaladii deg-dega ahayd ee hore loogu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo.

Wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network,  waraagtadaa lagu laalay Xaalada Deg-deg ah, waxa lagu socodsiiyay, Shir-guddoonka labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,             Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga iyo Taliyayaasha Ciidammada Qaranka Somaliland.                                           

Madaxweynuhu, wuxuu yidhi, “Markaan Arkay:       Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad; Markaan Arkay: In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada xaaladdii nabad-gelyo darro ee ka dhacday Degmadda Ceel Afweyn;

Markaan Arkay: In Ciidammada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen  ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Qaranka iyo dilalkii kale ee ka dhacay degmadaasi; Markaan La-tashaday Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ee ay khusayso;

 Waxaan Go’aamiyey,   In aan laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd iyo In dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharciga.” Ayuu ku yidhi, Wareegtadaa.

Dhinaca kale Labada gole ee Baarlamaanka Somaliland Guurtida iyo Wakiilada, ayaa diiday inay meel mariyaan xaalada deg-dega ah ee Madaxweynuhu kusoo rogay deegamadaa, waxayna cod  dheer diideen inay aqbalaan soo jeedinta  Xaalad Deg-deg ah ee Madaxweynuhu kusoo rogay deegamada gobolka Sanaag ee  Xeer Madaxweyne Lr. 04/042019.

Fadhigaa, ay ka xaadireen 107, xubnood oo uu guddoominayay  Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Baashe Maxamed oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka  koowaad ee Guurtida  Siciid Jaamac, ayaa 2 May 2019, waxay ku diideen meel marinta xeerka Madaxweynuhu ku doonayay in lagu meel mariyo, waxayna xaalada deg-deg ah ee madaxtooyadu noqotay mid aan dhaafin Albaabka Madaxtooyadda.