Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacbiga Somaliland, dal iyo dibedba ku hambalyeynayaa 30 guurada ka soo wareegtay madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May oo dib loogu xaqiijiyay xornimadii halowday 1960-kii.

 

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, waxa lagu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo la dareen ah shacbigiisa Somaliland waxa uu hambalyo u dirayaa ciidammada qalabka sida ee Allah ka sakow suurageliyey in qarankani soddon jirsado kuna tallaabsado nabadgelyo taam ah oo ay majeertaan Dunida inteeda kale, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa la mida u dirayaa shacbiga qiimaha badan ee barbar-taagan qaranka Somaliland isla markaana marwalba heeganka u ah ilaalinta iyo jiritaanka dalkooda.

 

Sannad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay 18-ka May 1991kii oo ah maalintii shirweynihii kowaad ee waxgaradka JSL, isugu yimaadeen magaalada Burco ee ay u dhammaayeen madaxda dhaqan ee beelaha ku dhaqan Somaliland, kuna go’aamiyeen in lagu dhawaaqo inay Jamhuuriyadda Somaliland gaar isu taagto, isla markaana noqoto qaran ka madax-bannaan dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaalida.

 

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in Qarankan loo soo maray halgan dheer oo naf iyo maal badani ku baaba’een, ka dibna aynu ku guulaysanay in aynu la soo noqonno xorriyaddeennii, Horraantii 1991 kii, maantana aynu joogno 30 Sanno oo aynu ku tallaabsanay guullo kala duwan oo la gaadhay horumar weyn, nabadgelyo cago-adag ku taagan, barwaaqo iyo badhaadhe qaranku ku naalloonayo.”

 

“Waxa inoo suurto gashay in aynu u debbaal-degno soddonkaa sanno ka dib midhihii aynu beeranay, iyadoo ay inoo hirgaleen wax badan oo aan ka dhicin Geeska Afrika iyo caalamka intiisa badan, maragna ay inooga yihiin cid kasta oo samaha jecel.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka Madaxweynaha.

 

Gebagebadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hambalyo u diray shacbiga Somaliland, ciidamada sooma-jeestayaasha ee kala duwan ee ku kala sugan xuduudaha dalka, kuwaas oo heegankan ugu jira inay cadowga ka hiraan soohdimaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Araweelo News Network

info@araweelonews.com