Araweelo News Network.

 

“ilaa caawa waxaan furnay hal sanduuq, balse….”

Hargeysa(ANN)- Natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka Somaliland, oo la filayay in ay Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqaan caawa 2 jun 2021, sidii ay hore u sheegeen shalay, ayaa dib loo dhigay, iyadoo loo cuskaday asbaab la xidhiidha in ay hawsha tirinta sanaaduuqda ee codadka gobolka Maroodijeex iyo Degmadu yihiin kuwa tiro badan.

 

Maxamed Sidiiq Dhamme oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI, ayaa caawa saqdii dhexe warbaahinta kula hadlay xarunta Degmada Hargeysa ee lagu soo daabulay sanaaduuqda codbixinta gobolka Maroodijeex, wuxuuna ka hadlay sababta dib loogu riixay natiijada hordhaca ah iyo xilliga ay hawsha tirada sanaaduuqda ee codadka bilaabayaan.

“ilaa caawa waxaan furnay hal sanduuq, ama goob keliya oo ahayd mid tusaale ah, goobbaha kale waxan isla garanay axsaabta iyo guddida doorashooyinka in tirintooda la bilaabo 7pm ee xilliga Afrida bari, isla markaana la wado tirada iyo hubinta ilaa 11 habeenimo.” Ayuu yidhi, Maxamed Sidiiq Dhamme.

Wuxuu sheegay in marka la eego Hargeysa 699 sanduuq ay yaaliin, marka la eego guud ahaan gobolka Maroodijeex, wuxuu xusay inay yaalaan 971 sanduuq, sidaa awgeed, wuxuu sheegay in marka hore la tirinayo codadka ku jira sanaaduuqda Degmada, markaa kadib loo gudbayo tirinta degmooyinka kale ee gibolka si laysugu geeyo wadarta guud ee codadka gobolka.

“Natiijada dhawaaqista waxa leh Guddida Doorashooyinka, anagu waxan halkan u joognaa feejignaanta iyo hubinta nidaamka, sharciga iyo habka loo raacayo tirinta iyo hubinta codadka, taas weeye masuuliyada na saaran ka xisbi ahaan, waxaana ku hanbaynaynaa taageerayaashayada sidii ay codka u dhiibteen.” Ayuu yidhi.

Maxamed Sidiiq Dhamme, isagoo ka hadlaya sanaaduuqda wuxuu yidhi, “Degamda Hargeysa 699 sanduuq, marka degmada la tiriyo, waxa loo gudbayaa in degmooyinka kale si laysugu geeyo codadka Afarta Degmo doorasho ee gobolka Maroodijeex, wayna dedaalaayan Komishanku, asxaabtuna way joogaan, waxaase laysla qaatay in beri subax la bilaabo tirinta codadka,” waana in aynu sugnaa natiijada gobolka Maroodijeex waxa kasoo baxa 971 sanduuq marka la tiriyo, ayuu raaciyay, wuxuuna xusay in caawa ay guddida Doorashooyinka isla qaateen nidaamka iyo sida hawsha loo bilaabyo, isla markaana hawsha tiradu ay maalinta beri subaxnimada bilaabmay oo ay soconay ilaa xilli danbe habeenimada.

 

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com