Araweelo News Network.

War-saxaafadeedka Ururka Waraabinta Online-ka

 

Hargeysa(ANN)- Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) waxa uu ugu baaqayaa Suxufiyiinta ka hawlgala hay’addaha warbaahinta Online-ka ee gudo iyo dibad-ba, inay ilaaliyaan anshaxa warbaahineed, isla markaana si taxadir leh u hubiyaan wararka iyo xoggaha ay baahiyaan Website-yadoodu.

Sidaa waxa lagu Sheegay Warsaxafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Warbaahinta Online-ka Somaliland ee SOMA Mustafe Abdi Mohamed (Mustafe-Janaale)

Annagoo og xiligan xaasaasiga ah ee qaranka Somaliland u talaabsanayo qabsoomida doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan 31-Ka May 2021, In aannay warbaahintu ku dhex milmin Ololaha Axsaabta qaranka (UCID, WADDANI iyo KULMIYE) iyo murashixiinta oo ay dhex u noqdaan, isla markaana laga fogaado waxyaabaha kutiri-ku-teenka ee lagu baahiyo FACEBOOK-ga oo aan lahayn wax-tix-raaca iyo cid masuuliyadeeda loogu hagaago.

Ururka Warbaahinta Online-ka ee SOMA, isaga oo yaqiinsan doorka warbaahinta Online-ku kaga jiraan geedi socodka dimuqraadiyadda, dhismaha, iyo iib-geynta qaddiyada Somaliland, isla markaana hay’addaha Warbaahinta Online-ka ahi yihiin tix-raaca ugu muhiimsan ee duniddu ka daalacato dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhaca Somaliland.

Sidaa awgeed,waxaan ku boorinaynaa Weriyayaasha ka hawlgala hay’addaha warbaahinta Online-ka Somaliland gudo iyo dibad-ba inay yiqiinsadaan in waxyaabaha ay qorayaan ay noqonayaan taariikhda beri iyo tixraaca sawiraya muuqaalka Somaliland.

Ololaha Doorashooyinka Somaliland waxa looga baahan yahay inuu ka muuqdo bisayl iyo waayo-aragnimo siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed, maadaama oo aynu hore uga soo gudubnay lix doorasho oo si xor iyo xalaal ah uga qabsoomay Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, waa in aynu maanka ku haynaa kaalinta aynu leenahay ee warbaahineed iyo waajibaadka inaga saaran Qaranimada, isla markaana aynu qaadano doorkeena aynu haabeen iyo maalin u taaganahay  sidii ay Somaliland uga qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Wakiillada iyo golayaasha deegaanada oo natiijadeedu noqoto mid qarankan wax u tarta ee aan waxba u dhimin”.ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka SOMA.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com