Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Cusbitaalka SAHAN oo lagu daweeyo, isla markaana lagu daryeelo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka, ayaa lagu qabtay Munaasibad loo sameeyay ku dhowaad afartan qof oo markii hore loo geeyay halkaa xannaanayn iyo daryeel, balse markii ay bogsadeen loo bilaabay xirfado ay ku shaqaystaan maadaama ay ku laabanaayan bulshada.

SAHAN, oo ku taal duleedka woqooyi galbeed ee magaaalada Hargeysa, waa xarun daryeel caafimaad oo caan ku noqotay taageerada iyo dayeelka dadka uu haleelo xannuunka dhimirka,   waana ta ugu ballaadhan guud ahaan gobolka Geeska Afrika ee lagu daryeelo dadka qaba xanuunka dhimrka.

Munaasibada xarunta Cusbitaalka SAHAN oo lagu daweeyo, isla markaana lagu daryeelo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka, Iamge file Araweelo News Network. August 2021.

Dadka qaba xanuunnada dhimirka, ayaa laga keenaa dalal badan oo Bariga Afrika iyo Caalamka intiisa kale ah, waxaana Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka markay bogsadaan lagu baraa Xirfado ay ku shaqo tagaan, sida Dawaarka, samaynta Jaajuurka (Labanka), Laydhka, Barashada Afka Soomaaliga, Qur’aanka Kariimka ah iyo Xirfado kale oo muhiim ah, taas oo wax weyn ka tartarta daryeelka caafimaadka iyo shaqo-abuurka.

Munaasibad weyn oo loo qabtay dadka sannadkan la baray xirfadaha kala duwan ee ku caafimaaday xarunta ayaa lagu qabtay dhismaha xarunta, waxana ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, ganacsato, madaxdhameed iyo culimo iyo waalidiinta dadka ay caruurtoodu ku jiraan xaruntaa.

Saraakiisha maamusha xarunta ayaa ka sheegay munaasibada in Sannad kasta Sahan Illaahay Caafimaad ka siiyo dad tiro badan oo bulshada dib ugu noqda iyagoo bad-qaba,  isla markaana xirfado kala duwan oo ay ku shaqo-tagi karaan soo bartay.

Dufcaddii 12-aad ayay ahayd ee inta ay bogsadeen, la baray Xirfadaha kala duwan, waxaa hadalo ka jeediyay Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraha Waxbarashada Axmed Abokor, Ciyaaraha Maxamed Siciid Khaawi,  Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maamul-wanaagga, xubin ka socday Guddiga Qandaraasyada Qaranka JSL, Siyaasiyiin Dhakhaatiir, Waalidiin iyo Maamulka Xarunta.

Munaasibada xarunta Cusbitaalka SAHAN oo lagu daweeyo, isla markaana lagu daryeelo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka, Iamge file Araweelo News Network. August 2021.

waalidiinta iyo Qoysaska Dadka Xarunta ku jira oo munaasibadda ka hadlay, ayaa maamulka Sahan Hospital uga mahad-celiyey dedaalka ay geliyeen horumarinta adeegyada xaruntan lagu daryeello Dadka qaba xanuunka dhimirka, waxaanay ku baaqeen in xukuumadda iyo bulshaduba taageero ku garab-istaagaan Cusbitaalka Sahan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha, Xildhibaan Maxamed Abiib Siikaawi oo ka mid ah Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa, Macalimiinta iyo Dhakhaatiir halkaa ka hadlay, ayaa tilmaamay ahmiyadda xaruntani u leedahay Dadka iyo dalka, waxayna Maamulka xaruntaasi ku bogaadiyeen dedaalka ay galiyeen horumarinta Xarunta.

“Bashiir iyo taageerta Illaahay ha garab-galo, shaqo culus oo aad iyo aad u muhiim ah ayay hayaan. Dadka halkan wax ku bartyna waan bogaadinayaa. Haddii ay rabaan inay aqoontooda sii kordhiyaan, wasaaradda Waxbarashadu waxay diyaar u tahay inay taageerto. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi hoggaamiyo, waxay mar kasta diyaar u tahay in muhiimadda la siiyo Arrimaha Bulshada. Markaa, iyadoo taa laga duulayo, waxaanu idinkala qayb-qaadan doonnaa horumarinta Xaruntan,” Waxa sidaas yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor.

“Aniga oo ku hadlaya afka Golaha Deegaanka Hargeysa iyo ka Maayarkaba, waxaan halkan ka ballan-qaadayaa wax kasta oo macquul ah oo aanu xaruntan ka qaban-karayno inaanu ku taageerno,” sidaas waxa ballan-qaaday Xildhibaan Maxamed Siikaawi oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda.

Munaasibada xarunta Cusbitaalka SAHAN oo lagu daweeyo, isla markaana lagu daryeelo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka, Iamge file Araweelo News Network. August 2021.

Wasiirru-dawlihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa Dawladda iyo Dadweynaha Somaliland ugu baaqay in la isgarab taago Xarunta SAHAN oo uu tilmaamay inay hawl muhiim ah Dadka u hayso.

Bashiir Maxamed Jaamac oo ah Guddoomiyaha, ahna aasaasaha Cisbitaalka SAHAN ee lagu daweeyo, laguna daryeelo Dadka qaba xanuunnada Dhimirka, ayaa ka war-bixiyey Marxalihii ay soo martay xaruntani iyo halka uu Maanta taagan yahay, waxaanu sheegay inay Maamul ahaan dedaalka lagu horumarinayo xaruntaasi ay sii wadayaan, isagoo Laamaha Dawladdana u soo jeediyey inay gacan ka geystaan sidii xaruntu u sii wadi lahayd Daaweynta iyo daryeelka Dadka qaba xanuunnada dhimirka.

Munaasibada xarunta Cusbitaalka SAHAN oo lagu daweeyo, isla markaana lagu daryeelo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka, Iamge file Araweelo News Network. August 2021.

“Xarunta Sahan waxay ku jirtaa sannadkii 10aad, waxa soo maray dad ka badan 50-kun qof oo kala kala keenay dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba oo ay ku jiraan dad ka yimi dalalka deriska ee Ethiopia, Soomaaliya iyo Djibouti.

 

“Sahan waxay ku tiirsan tahay afar tiir oo wax-ku-ool ah. Midi waxa weeyi barnaamij dadkaa naftood-hurayaasha ah ee aan anigu hormuudka u ahay. Ka labaadna waxa weeyi dadkaa waalidiinta ah ee dadkooda nala caawinaya. Ka saddexaadna waxa weeyi dhakhaatiirta Sahan oo iyaga laftoodu naftood-hurayaal ah. Waxa soo raaca tiir afraad oo ah ka dowladda oo gacan taageero na siisa; hadday yihiin Wakaaladda Biyaha, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Wasaaradda Waxbarashada oo iyagu dhankooda dedaal ka wada.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Sahan, Bashiir Maxamed Jaamac.

Masuuliyiinta ka socday Xukuumadda Somaliland, dhakhaatiirta iyo Waalidiinta dhalay Dadka ka bogsaday xanuunnada dhimirka, ayaa waxay kormeereen qaybaha ay ka kooban tahay iyo dhismayaal hadda shaqadoodu halkaa ka socoto, kuwaasi oo lagu kordhinayo Cisbitaalka SAHAN ee Galbeedka Magaalada Hargeysa.

Gebo-gabadii waxa uu maamulka cusbitaalka Sahan munaasibadda ku daah-furay Website ama Mareeg cusub (https://www.sahanhospital.com) oo ay hirgeliyaan, taas oo lagu keydiyey macluumaad la xidhiidha wax-qabadka iyo adeegyada cusbitaalka, qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay iyo xogo ku saabsan xannuunka dhimirka iyo sida loola tacaalo.

Muuqalka Xaflada loo qabtay dadka ka bogsaday xannuunka dhimirka halkan ka daawo.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com