Araweelo News Network.

 

Magaalada Dhaxalka Aduunka ee Lalibela Waxay Amxaaradu Balanqaadeen In Laga Saarayo ciidamada Tigray

Hargeysa(ANN)- Colaadda dalka Ethiopia, ayaa kusii fiday dalka oo dhan, iyadoo aannu jirin wax xabad joojin ah oo ay qableen dhinacyadu, waxaana la filayaa maalinta sabtida 7 Augist 2021, oo ku beegan beri inuu dhaco dagaalkii ugu weynaa oo la doonayo in lagu baaciyo ciidamada Tigray ee qabsaday meelo badan oo gobolka Amxaarada iyo canfarta ah.

Sida ay soo weriyeen wakaaladaha wararka ee AP iyo Reuters Tigreega Ethiopia, ayaa wajahaysa mowjad dagaal oo cusub, waxaana sidaa u sheegay wakaaladaha wararka sarkaal ka tirsan gobolka Amxaarada, kaas oo xusay in ciidamada Amxaaradu ay Sabtida weerar ku qaadi doonaan ciidamada Tigrayga ee soo galay gobolka oo la wareegay gacan ku haynta magaalo martigalinaysa UNESCO World Heritage Site.

 

Lalibela, ooah magaalo ku taal dhul buuraray ah oo kala sareeya, ayaa dhacda waqooyiga gobolka Amxaarada ee Ethiopia, waxaana loo aqoonsanyahay goobta Dhaxalka Adduunka ee UNESCO (Lalibela World Heritage site) , Lalibela waxay hoy u tahay 11 kaniisadood oo hal -ku -dheg u ah boqortooyada oo lagu xardhay dhagaxa qarnigii 12aad. Kaniisadaha ayaa ah goob quduus u ah, waxayna u haystaan qudusta cusub.

Sida taariikhda lagu sheego, kun iyo dhawr boqol oo snnadood ka hor, oo ku beegan Qarnigii 12aad ayaa la dhisay, waxaana dhismahooda oo aanaynayaa Boqor Lalibela oo loogu magacdaray magaalada, kaas oo bilaabay inuu qarnigii 12aad ka dhiso, isagoo ku tilmaamay ‘Qudus Cusub’, ka dib markii qabsashadii Muslimiintu ay hakisay socdaalkii Masiixiyiinta ee ay Qudus ku tegayeen.

Lalibela, tan iyo xilligaa waxay ahayd goob Kisirtanka msiixiyiinta ahmiyad weyn u leh, waana sababta ay malaayiin Masiixiyiinta Orthodox ee Ethiopia sanad walba u tagaan iyagoo doonaya in ay ku cibaadaystaan, Lalibela waxaa ku yaal raadadka taariikhda aduunka kuwa ugu facaweyn, waxaase gacanta ku dhigay maalmo ka hor ciidamada Tigray ee TDF, kaddib markii ay ciidankii ku sugnaa iskaga baxeen intii aannay ciidamada Tigray la wareegin.

.Sema Tiruneh, oo ah madaxa nabadda iyo amniga ee gobolka Amxaarada, ayaa Jimcihii maanta u sheegay wakaaladda warbaahinta Amxaarada ee xiriirka la leh gobolka in ay samayaan duulaan balaadhan oo gobolka lagaga saarayo Tigray, sida ay shaacisay AP.

 

Ambassador Samantha Power oo ah haweenayda madaxda ka ah Hay’adda Qaranka ee Maraykanka u qabilsan caawimooyinka aduunka USIAD, ayaa booqatay dalka Ethiopia, balse may awooddin inay la kulanto ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy intii ay ku guda jirtay booqashadeeda.

Haweenaydan, ayaa ugu baaqday in ciidamada Tigray ay ka baxaan meelaha ay ka joogaan gobolka Amxaarada iyo Canfarta, sidoo kale waxay ku baaqday in Amxaaradu ka baxaan meelaha ay ku sugan yihiin ee gobolka Tigray iyo in ciidamada Eriteria laga saaro gobolka, balse waxa baaqaa si weyn uga cadhooday dhinacyada loo jeediyay.

AKHRI: Washington Oo Ka Digay Dagaalka Isirka Ee Kusii Fidaya #Ethiopia Iyo Soo Jeedin Ka Cadhaysiisay Dhinacyada

Sidoo kale, Ambassador Samantha Power, ayaa ku baaqday in la helo marin ay hay’addaha gargaarku mariyaan deeqaha, balse illaa iyo hadda, tallaabooyinka Maraykanka ee lagu yareynayo kaalmada amniga iyo mas’uuliyiinta cunaqabateynta ayaan wax saameyn ah yeelan marka laga reebo in dareenka Ethiopia laga leexiyo Washington.

 

“Diyaargarow ayaa socday si dib loogu noqdo dhaqdhaqaaqyadan waxaana weerarku bilaaban doonaa berri. Xorriyaddu raqiis ma aha. Qof walba waa inuu isu soo baxaa oo is difaaca. Sidaa waxa yidhi, Sema Tiruneh, oo ah madaxa nabadda iyo amniga ee gobolka Amxaarada.

AKHRI: Ethiopia: Dagaalka Gobolka Amxaarada Oo Sababay In La Jaro Waddooyinka Halbawlaha Ah

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa Jimcihii ka digtay in duulaanka ciidamada Tigreega ee gobollada Amxaarada iyo Canfarta toddobaadyadii la soo dhaafay “ay tijaabinayaan dulqaadka dowladda federaalka ayna ku riixayso inay beddesho niyadda difaaca ee loo qaatay aawadeed joojinta bani’aadamnimada ee hal dhinac ah.”

Duulaanka ayaa barakiciyay ilaa 300,000 oo qof, sida ay sheegtay xukuumadda Federaalka ee Ethiopia, waxayna ku eedaysay ciidamada Tigray inay isku dayayaan inay khalkhal galiyaan dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Dowladda Ethiopia ayaa “lagu riixayaa in ay abaabusho oo ay gayso dhammaan awoodda difaaca ee dowladda” haddii aan la isku celin xallinta colaadda si nabadgelyo ah, ayaa lagu yidhi bayaanka, mana jirto wax jawaab ah oo ay hadalkaa ka bixiyeen dhanka Tigray.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com