Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ruqsadii kala noqotay Shirkadda Geelle Arab ee Adeegga Isku dhafka Maraakiibta ee (Integrated Shiping Service), taas oo lagu eedeeyay in ay si sharcidaro ah usoo gelisay dalka Madaxa Shirkadda  Adeegga Saadka iyo Maraakiibta Badda ee Ethiopia.

Wasiirka Wasaaradda  Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wersheddaha Somaliland , Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa sidaa ku sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskisiisa oo ku taariikhaysan 14 July 2021.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Wasiirka oo lagu socodsiiyay Shirkadda Integrated Shiping Service (ISS),, waxaana oggaysiin la siiyay Maareeyaha Dekedda Berbera Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wersheddaha iti sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), wuxuu ku sheegay qoraalka in Wasaaraddu iyadoo fulinaysa dalabka Hay’addaha dawladda ee u xilsaaran dekedda Berbera ay ruqsada  kala nioqday shirkadda Geelle Arab ee magaceedu yahay Integrated Shiping Service,  kaddib markii ay dalka si sharcidaro ah usoo gelisay Madaxa Shirkadda  Adeegga Saadka iyo Maraakiibta Badda ee Ethiopia (Ethiopian Shipping and Logistics Service) oo loo soo gaabiyo (ESLSE).

 

Sidoo kale, Qoraalka ruqsada ay Wasaaradda ganacsigu kala noqotay Shirkadda  Adeegga isku dhafan ee Geelle Arab, waxay ku sababaysay tallaabada ay qaaday  in Liisanka shirkadda  Integrated Shiping Service uu dhacay 23 Febreury 2021, sidaa awgeed waxay ku amartay Hay’addaha Dawladda in laga bilaabo 15 July 2021, la fulinayo amarkaa.

 

Balse qoraalka laguma sheegin magaca masuulka shirkaadu dalka soo gelisay iyo tallaabada laga qaaday markii ay xukuumaadda Somaliland oggaatay.

Sidoo kale, laguma cadayn qoraalka Wasaaradda sababta kaliftay in masuulka Shirkadda Ethiopia ee Adeegga Saadka iyo  Maraajiibta ku kaliftay inuu si tuugo ah dalka usoo galo, iyadoo marabka ka mid ah Maraakiibta ay maamuusho kusoo xidhtay dekedda Berbera toddobaadkii hore.

 

Dhinaca kale,  Axmed Geelle Arab  oo ah mulkiila shirkadda Adeeggga isku dhafka ee Maraakiibta (Integrated Shiping Service) ee ruqsada lagala noqday, ayaa maalmihii lasoo dhaafay wuxuu ka hadlay qiimaha Maraakiibta badeecaddaha usoo qaada Dekedda Berbera ee Somaliland in la kordhiyay, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada in ay arrintaa kala hadlaan dilaaliinta kiraysa Maraakiibta, “Waa in aynu aduunka u sheegnaa in dekedda Berbera ay tahay amaan, sidaa awgeed aannay jirin sabab loo kordhiyo kirada gaadiidka, wuxuuna hadalkaa ka sheegay kulan shirkadiisa hada ruqsada lagaal noqday oo ay weheliyaan shirkadda Ethiopian Shipping and Logistics Service (ESLSE) ee sabab looga dhigay in lagala noqdo ruqsada iyo Rugta ganacsiga Somaliland ay Magaalada Hargeysa ku yeesheen.

Balse shebekaddaha Araweelo News Network, oo xidhiidh la samaysay si ay dhinacooda wax uga weydiisao ruqsada lagala noqdayShirkadda Adeegga Maraakiibta (Integrated Shiping Service),ayaanay u suurta gelin.

Toddobaadkii hore, waxa dekedda Berbera soo gaadhay Markabka IEthiopia ee lagu magacaabo Gibe, kaas oo  ku soo xidhay dekedda Berbera ee Somaliland markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah, wuxuuna ka mid yahay dhawr iyo tobban Markab oo ay maamusho shirkadda Ethiopian Shipping and Logistics Service (ESLSE),kuwaas  oo doonaya in ay shixnado usoo daabulaan dekedda Berbera.

Markabka, ayaa siday sida lagu sheegay war lagu daacay shekeddaha Araweelo News Network, oo soo xiganaysay Saraakiisha Shirkadda Adeegga Saadka iyo Maraakiibta Badda ee Ethiopia, isagoo siday shirxanad  11,000 tonnes oo isugu jira Bariis iyo Daqiiq, wuxuu socdaalka Markabka Gibe ee kusoo xidhtay dekedda Berbera, kusoo beegmay laba toddobaad kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Gudoomiyaha Koxoda Shirkadda Dp World xadhiga ka jareenTerminalka cusub ee lagu kordhiyay  Berbera Port.

Shirkadda ESLSE, oo la aasaasay August 2016, waxayna dawladda  Ethiopia oo isha ku haysa horumarka gobolka iyo dalabkeeda ku aaddan adeegsiga dekedda Berbera samaysay xilliagaa shirkadda Adeegga Maraakiibta iyo Saadka ee Ethiopia (ESLSE), oo ay ku midoobeen afar Shirkadood oo madax-bannaan, kuwaas oo ka shaqeeyay waaxda gaadiidka Badda.

Afarta shirkadood oo ay ay jirto waaxdii dawliga ahayd ee hore, ayaa lagu sameeyay dib u habayn, waxayna kala ahaayeen Shirkadaha Maraakiibta Itoobiya, Shirkadaha Adeegga Badda iyo Gaadiidka ee Itoobiya, Shirkadda Qallalan ee Dekedda, iyadoo laga dhigay shirkadda  Adeegga Saadka iyo Maraakiibta Badda ee (Ethiopian Shipping and Logistics Service) oo loo soo gaabiyo (ESLSE). Taas oo doonay in ay maamusho raxan Maraakiib ah oo ay leedahay Ethiopia oo kusoo jihaysan dekedda Berbera.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com