#Araweelo_News _Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xaqiijisay wararka dhinaca Magaalada Laascaanood ee sheegayay in  ciidamada Qaranku kasoo baxeen Laascaanood iyo Tukaraq, taas oo ay ku tilmaantay qorshe lagu hirgalinayo xabdad-joojintii toddobaadyo ka hor lagu dhawaaqay ee murkucatay.

“Markii aanu garwaaqsanay baaqyada nagaga imanaya shacabkayaga iyo saaxiibadayada caalamiga ah, saaka subixii hore ciidamada Somaliland waxay dib uga gurteen fadhiismihii hore, waxayna iskugu tageen saldhigyo cayiman” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Ciise Kayd war kasoo saaray arrintaa.

Wasiir Ciise Kayd ayaa si cad u sheegay Axaddii maanta in Somaliland awood u leedahay in ay xal buuxa ka gaadho khilaafaadkeeda guddaha, isagoo oo ka hadlaya xaaladda Magaalada Laascaanood, wuxuuna hadalkiisa raaciyay in sababta ay sidaa u yeeleen ay tahay si loo yareeyo dhibaatada soo gaadhaysa shacabka.

“Somaliland waligeedba waxay awood u lahayd, oo ka go’nayd in ay arrimaheeda guddaha iyadu xal ka gaadho, sida oo aanu yeelnay tobabanaan sanno, annaga oo nabad iyo dimuquraadiyadayada ilaashanayna, dowladdu waxay ku kalsoontahay in xaaladda hada ee Laascaanood la xalin doono” ayuu yidhi Wasiir Ciise Kayd.

Bixitaanka Ciidamada Qaranka ee Millateriga Somaliland ee magaalada Laascaanood iyo Tukaraq, ayuu sheegay in ay tahay talaabo lagu dhowrayo bad qabka shacabka, kaddib baaqyo sida uu xusay uga yimi shacabka iyo beesha caalamka.

Balse taas bedelkeeda, wuxuu xusay in xukuumad ahaan ay ka go’antahay in Laascaanood aannay gabaad u noqon kooxaha argagixisada, sidaa awgeed ay ugu baaqayaan ciidamo beeleedka hubaysan ee Laascaanood ku sugani in ay baneeyaan magaalada.

Dr.  Ciise Kayd ayaa si cad u sheegay in ciidamada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland ay awood buuxda u leeyihiin in ay ilaaliyaan madaxbannaanida iyo jiritaanka Qarankooda Somaliland, balse ay tallaabadaa u sameeyeen si ay u muujiyaan ka go’naanshahooda in xabad joojintu hirgasho.

Dhimaca kale, Bulshada ayaa si weyn uga cadhootay qorshaha siyaasadeed ee ciidamada lagaga saaray fadhiisimada difaaca hore, taas oo su’aalo baddan oo aan jawaabo loo hayn dhalisay, maadaama ay xukuumaddu ka dhega adaygtay marar baddan in la dhegeysto baaqyada nabadeed ee ahaa in ciidamadu iyagoo ku sugan fadhiisimooda jiida hore kuwa magaalada Laascaanood ay ku ekaadaan xeryahooda, isla markaana malaydhiyada laga saaro maaglada si loo wadahadlo, isla markaana xabbad-joojintu u noqoto mid dhaqan gasha.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com