Somaliland: Madashii Loo Golleeyay Bandhiga Buugga

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madal si ballaadhan loo golleeyay, ayaa lagu soo bandhigay Buug si weyn loo sugayay oo uu qoray Halgamaa Maxamed Baaruud Cali oo ka mid ah Haldoorkii iyo aqoonyahankii ibafuray halgankii lagu waajahay siddeetanaadkii xukuumaddii Millateriga ahayd ee taliskii Maxamed Siyaad Barre.

ALt: "Buugga Weerane" Araweelo News Network.

Ka qaybgalayaasha munaasibada lagu soo bandhigay Buugga Weerane, ee uu qoray, Halgamaa Maxamed Baaruud Cali, Image Araweelo News Network, 9 Jun 2023, Hargeysa.

Munaasibada loo golleeyay Buugga uu qoraagu u bixiyay “Weerane” ayaa lagu soo bandhigay Habeenkii Jimcaha Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay madasha lagu soo bandhigay, Masuuliyiin ka socday xukuumadda Somaliland, Axsaabta Siyaasadda, aqoonyahano, dhalinyaro ka socotay Ururada Bulshada iyo marti sharaf kale oo isugu jiray rag iyo haween.

Sidoo kale, waxa madasha bandhiga Buugga Weerane kasoo qabgalay xubno ka mid ahaa Kooxdii dhalinyaradii iyo aqoonyahankii u badheedhay taliskii Millateriga ee Maxamed Siyaad Barre, kuwaas oo ahaa kooxda halgamayaasha aqoonyahanka ah ee la baxay “UFFO” oo qoraaga Buugga Maxamed Baaruud Cali lagu tilmaamo inuu ahaa mishiinka, ama furihii kooxdaa, kuwaaas oo xabsiga lagu guray markii ay dawladdii Millateriga ahayd ka war heshay inay ku hawlan yihiin qorshayaal mutadawacnimo ah oo ay xilligaa ka bilaabeen Cusbitaalka Hargeysa, iyagoo doonayay inay dadkooda wax u qabtaan.

ALt: "Araweelo News"

Ka bilaw midig, safka hore Jaamac Muuse Jaamac guddoomiyaha xarunta dhaqanka Hargeysa, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge, dhexda iyo qoraaga Buugga Weerane, Maxamed Baaruud Cali, Image Araweelo News Network, 9 Jun 2023, Hargeysa

Qoraaga Buugga Weerane, Maxamed Baaruud Cali iyo saaxiibadiisa kooxdii UFFO, markii lagu guray xabsiga waxa ka dhashay duufaano mudaharaadyo dhagax-tuur ah  iyo gedood ay sameeyeen Ardaydii Dugsiyada oo dhiig ku daatay, iyadoo lagu waajahay Ciidamadii Taliskii Maxamed Siyaad Barre, waxaana sidookale ka bilaabmay Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo dhaqdhaaqyo abaabul oo sida daruurta uga curtay Magaalooyin kale, isla markaana gaadhay muwaadiniinta kasoo jeeday magaalooyinkaa ee ku sugnaa dalalka dibadda.

Masuuliyiinta ka socday xukuumadda, asxaabta qaranka iyo haldoorka kale ee ka hadlay munaasibada ayaa tilmaamay ahmiyadda weyn ee ay taariikhdu u leedahay jiilashada danbe iyo kuwa maanta jooga ee layska dhaxlayo, waxayna dhammaantood qireen taariikhda uu Buugga Weerane xanbaarsanyahay iyo qoraaga Buugga oo xilligaa lagu xukumay xabsi ahaa madaxaa ha ku furto, iyadoo saaxiibadiisa kalena lagu xukumay xabsiyo kala duwan.

Mr. Baaruud, ayaa xilligan ah Guddoomiyaha Guddida Xuquuqda Aadamaha ee Qaranka, wuxuuna tusaale nool u noqday in baddan oo aan is waafajin waxa ay aamisan yihiin iyo xilka loo dhiibo, sidaa awgeed waxay dad baddan oo madasha bandhiga Buugga ka hadlay iyo in baddan oo Bulshada ka mid ah qireen in qoraaga Buugga iyo halgankiisu si dhab ah isu waafaqeen, isagoo door muhiim ah iyo kaalin mugleh ku lahaa dhismaha Hay’addaha qaranka, nidaamka dawliga ah iyo yagleelida Hay’addaha madaxaabanaan ee dalka,  sidoo kalena xil ilaa heer wasiir ah kasoo qabtay, isla markaana xafiiskiisu noqday xilligii uu wasiirka ahaa qolkii xabsi ahaanta lagu ciqaabi jiray markii la xidhay siddeetanaadkii.

ALt: "Buugga Weerane"

Jeldiga sare ee Buugga Weerane ee uu qoray Maxamed Baaruud Cali.

Maxamed Baaruud oo lagu majeerto, dabeecad, aqoon, akhlaaq wanaag  iyo hawlkarnimo, wuxuu mudadii uu hoggaaminayay Hay’adda Kommishanka Xuquuqda Aadamaha ee Qaranka ka dhigay mid ka duwan Hay’ddaha dhigeeda ah ee gobolka, isla markaana doorkeeda kula tartanta Hay’addaha xuquuqda Aadamaha ee ka jira dunida Dimuqraadiga ah iyo kuwa loo tiriyo inay ka dhisan yihiin dalalka galbeedka.

ALt: "Araweelo News"

Ka qaybgalayaasha munaasibada lagu soo bandhigay Buugga Weerane, ee uu qoray, Halgamaa Maxamed Baaruud Cali, Image Araweelo News Network, 9 Jun 2023, Hargeysa.

Munaasibada, waxa laga jeediyay weedho baddan oo dardaaran ah oo ku waajahan madaxda iyo dadka xilalka qaranka u qabtaa in aannay marrin wadiiqooyinka iyo dhabbaha nidaamyada ku danbeeya burburka iyo kelitaliska, waxaana weedhaha dardaaranka oo lagu dabaqayo, ama tusaale digniin ah looga dhigay  taariikhda iyo dhacdooyinka murrugada xanbaarsan ee ka buuxa Buugga “Weerane”, kuwaas oo dhammaantood si dhab ah ula dersay Maxamed Baaruud Cali iyo saaxiibadii, isla markaana saameeyay boqolaal kale oo sidooda xabisga la dhigay, la xasuuqay, ama tacadi iyo jidh-dil loo geystay, wallow ay in baddan ku nafwaayeen dhibaatooyinkaa tacadiyada iyo jidh-dilka ahaa ee Taliskii Maxamed Siyaad Barre.

ALt: "Araweelo News"

Ka qaybgalayaasha munaasibada lagu soo bandhigay Buugga Weerane, ee uu qoray, Halgamaa Maxamed Baaruud Cali, Image Araweelo News Network, 9 Jun 2023, Hargeysa.

Hase yeeshee, qoraa Maxamed Baaruud iyo saaxiibadiisa UFFO, ayaa noqday kuwo ugu danbayntii helay xorriyadooda xukun iyo xabsi dheer kaddib, iyadoo aannay dhibaatooyinka naxariis-darada iyo tacadigu ka joojin inay sii wadaan halgankooda iyo sidii ay Somaliland u xoroobi lahayd, wuxuuna Buugga Weerane oo noqday mid magaciisu soo jiitay dareenka iyo sucuurta Bulshada, wuxuu ka miisaan weynyahay Buugag baddan oo lagu soo bandhigay fagaarayaal, marka laga eego dhacdooyinka iyo taariikhda dhabta ah ee uu xanbaarsanyahay. Qoraaga ayaa hore ugu daabacay Luqada Ingiriisida, balse Buugga xilligan lasoo bandhigay ayaa ah mid ku qoran luqada Af-soomaaliga.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com