Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumada Somaliland ayaa ka dareen celisay Xildhibaanaada Aqalka sare Somaliya oo lagu dooranyo Magaaladda Muqdisho

Warsaxafadeed ay goordhaweyd soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakaddaha Araweelo News Network  ayaa waxaa lagu sheegay inaanay marnaba matalin Xildhibaanada Aqalka sare ee Somaliya kuwaas oo lagu dooranyo Magaalada Muqdisho.

Qoraal saxafadeedka ayaa u dhignaa sida:-

“Dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku war gelinaysaa Qarammada Midoobay, Midawga Africa, Midawga yurub, iyo guud ahaan bulshada caalamka, in

Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad madax bannaan oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka fadhiidka ah ee Soomaaliya.

Jamhuuriyada Somaliland waxa ay 18kii may 1991, la soo noqotay gobonimadeedii luntay 1960kii, Soddon sano kadib, somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuquraadi ah, isla markaana shacbigu doortaan cidda ku matalaysa golayaasha fulinta(Xukuumadda), sharci dejinta(G/baarlamaanka) iyo dawladdaha hoose, si xor iyo xalaal ah oo qof iyo cod ah.

Sidaa daradeed dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay uga digaysaa maamulka iyo siyaasiyiinta soomaaliya sheegashada beenta iyo khiyaaliga kudhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka.

Ugu dambayn Somaaliland oo ka mid ah dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Africa, waxa aanay marnaba aqblayn in lagu soo daro arrimaha doorashooyinka soomaaliya oo aan khusayn Jamhuuriyadda Somaliland.

DHAMMAAD

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.