Dardaarinkii Wasiirka Iyo Masuuliyiinta Kale

#Araweelo_News_Network.

“Wasaaraddu Waxay Qaadanay 600 Macalin, Waa Fursad, waaa inaad qaadataan Liisanka, shan shardi ayaa ku xidhan qofka La siinayo Liisanka”Wasiir Axmed Diiriye Toorno

 

Hargeysa(ANN)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Ahmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa k hadlay shuruuddaha ku xidhan qofka doonaya inuu macalin ka noqdo.

Munaasibadda oo lagu qabtay Huteelka Maansoor, waxa sidoo kale,  ka qayabgay masuuliyiinta wasaaradda, marti sharaf kale iyo macalimiinta dhammmaystay tababarka macalinimo ee kulliyada Tababarka, waxay masuuliyiinta ka hadlay tilmaameen ahmiyadda waxbarashadda iyo doorka macalinka ee Bulshadda.

 

ALt: Araweelo News

Munaasibadda Macalimiinta dhammaystay tababarka Kulliyadda, Image file Araweelo News Network, 31May 2023. MaansoorHotel Hargeysa.

 

Wasiirka oo ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay in 3, 000 ay ka dhammaysteen tababarka macalinimo tan iyo markii  Kuliyadda la aasaasay.

 

Sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Waxbaraashadda, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in wasaaraddu u xilsaaran tahay fidinta, Tayaynta iyo maamul wanaaga waxbarashada., isagoo xusay in arrintan ay qayb ka tahay tayaynta waxbarashada, sidoo kale ay qayb ka tahay fidinta waxbarashada, maadaama ay munaasibadu tahay mid loo qabtay macalimiinta cusub.

ALt: "Araweelo News"

Wasiirka Wasaaradda Waxbaraashadda iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Image file Araweelo News Network, 31May 2023. MaansoorHotel Hargeysa.

“Aqoonta oo keliya maaha macalinku iyo macalinimadu, laakiin macalinku waa inuu leeyahay akhlaaq iyo curin oo ay Ardaydu kaga daydaan.” Ayuu yidhi, Wasiir Toorno.

Wuxuu sheegay in siyaasadda qaranka marka laga hadlayo xeerka waxbarashada ay ku caddahay in loo baahanyahay  shan qodob oo muhiim ah, kuwaas oo si cad xeerku ugu qeexayo macalinka loo baahanyahay.

“Macalinku waa inuu Liisan qaato, markaa waa inaad Liisan qaadataan marka ugu horaysa, waa in macalinku hal heer ka sareeyo Ardayda uu wax u dhigayo, waa inuu tababar macalinimo qaatay, waa inuu awood u leeyahay jidh ahaan iyo maskax ahaan inuu wax dhigi karo oo aannu wax denbi ah gelin oo ka fayawyahay xanuunnada la kala qaado, isla markaana dhaqan suuban leeyahay.” Ayuu yidhi, Wasiir Toorno, oo sharaxayay shuruuddaha ku xidhan macalinimada.

Wasiir Toorno, wuxuu hadal dardaaran ah oo uu ka jeediyay madasha sharaxaad dheer ka bixiyay kooxo yar oo bulshada isku daya inay majara habaabiyaan, sidaa awgeed loo baahanyahay inay macalimiintu ka ilaaliyaan ardayda.

Macalimiinta ayaa loogu bushaareeyay in wasaaraddu qaadanay macalimiin cusub, oo gaadhaya 600, isagoo sheegay in mudnaanta la siinayo Hablaha, isla markaana ay macalimiinta munaasibadda loo qabtay haystaan fursad fiican, balse ay marka hore soo qaatan liisanka macalinimada.

ALt: "Araweelo News"

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska, Cabdixakiim Siciid Bustaale, Image file Araweelo News Network, 31May 2023. MaansoorHotel Hargeysa.

Dhinaca kale, waxa munaasibada ka hadlay, Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska, Cabdixakiim Siciid Bustaale,  waxa munaasibada ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Agaasimaha Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Cabdirisaaq Naakhuude), oo ka hadlay, Agaasimaha maamulka iyo lacagta wasaaradda Cabduqaadir Cabdullaahi Jaamac (Cabduqaadir  Jeex), masuuliyiinta Kulliyadda Tababarka Macaliinta, waxayna dhammaantood ka warameen baahida loo qabo tayaynta waxbarashadda  iyo sidii loo fidin lahaa, waxayna dardaaran u jeediyeen macalimiinta dhammaysatay tababrka.

Mashruuca tababarka Macalimiinta waxa door weyn ka qaata hay’addaha la shaqeeyay wasaaradda sida Save Chilidaren. GPE, Midawga Yurub UNICEF iyo kuwo kale.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com