#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa #HIBF oo maalintii labaad ka socota Hargeysa ayaa lagu marti qaaday Dr. Jaamac Muuse Jaamac,  Aqoonyahan Cabdiqani Iid Cilmi, Michael Walls, Drs. Aamina-bahja Iyo Cabdifataax Maxamed, kuwaas oo ka waramay taariikhda qadiimiga ah ee Magaalada Saylac.

.

Mawduuca la xidhiidha taariikhda facaweyn ee Saylac iyo raadadka taariikhda waxa xubnahaa la wadaagay laba taariikhyahan oo kaga qaybqaatay habka tooska ama Maqal iyo Muuqaalka, iyagoo adeegsanaya Aaladda (SKYPE), waxayna faaqidaad iyo sharaxaad ka bixiyeen muhiimadda ay leedahay taariikhda magaalo xeebeedka Saylac oo ku taalla Gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland.

Magaalada Saylac ayaa loo aqoonsan yahay in ay jirtay tan iyo xilli hore oo lagu qiyaaso soo bixitaanka Diinta Islaamka, taas oo ka dhigaysa goobaha ugu taariikhda dheer qaaradda Afrika iyo dhulka Soomaalida, iyada oo la xusay inay Saylac ku yaallaan meelo baddan oo ka tarjumaya taariikhda Geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalida.

“Tan iyo horraantii soo bixitaankii Diinta Islaamka, magaalada Saylac waxay ahayd hoy waxbarasho, ganacsi, dhaqan, ilbaxnimo, xaddaarad iyo maamul boqortooyo,” ayay sheegeen Aqoonyahannada Doodda ka qayb-galay, iyagoo tilmaamay in Diinta Islaamku ay ka soo faaftay Saylac oo wakhti koobban ku noqotay Hoyga Diinta ee guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxa aad loogu dheeraaday astaamaha qadiimiga ah ee ku yaalla Saylac, sida Masjidka caanka ah ee ‘Qiblataynka’ iyo dhismayaal qadiimi ah, Seked dhismayaasha ku yaalay halkaa oo la odhan jiray ‘Sakatul Yuhuud” iyo Xabaalo aad u da’ weyn.

Aqoonyahannadu waxa kale oo ay faaqideen sababaha dhaliyqy in laga guuro magaalada Saylac, waxaanay tilmaameen innay jiraan sababo baddan oo looga guuray sida dagaalladii dhexmaray Boqortooyooyin ku hirdamay maamulkeeda.

Sidoo kale, Aqoonyahannada Taariikhdan ka warramay waxay dadka ku boorriyeen in la raadiyo taariikh dheeraad ah, maaddaama oo ay muhiim tahay in la kaydiyo taariikhaha uu dalku leeyahay, sida Saylac iyo meelaha la midka ah.

Doodda ayaa lagu xusay inuu jiro xidhiidh dhinaca Taariikhda ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia, taas oo ku arooraysa taariikhda Saylac ee faca weyn iyo Culimadii fidinta Diinta ku hawlanaa ee isu maray Dhulka Soomaalida, Ethiopia iyo Bariga Afrika intiisa baddan, kuwaas oo qaarkood xarun ka dhigtay magaalada Herer ee dalka Ethiopia, laakiin magaalada taariikhdeeda qadiimka ah laga sheekeeyay ayaa raadadkii ku yaalay masaxmeen, kuwaas oo ka baxay inta baddan meesha, maadaama aan ahmiyad weyn iyo daryeel la siin si loo ilaaliyo raadadka taariikhiga ah ee Saylac iyo magaalooyiin kale oo ku yaal dhulka Somaliland, gaar ahaan dhulka gobolka Sanaag.

 Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com