Araweelo News Network.

 

Laascaanood(ANN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore, ayaa ku sifeeyay magaaladda xarunta u ah gobolka Sool ee Laascaanood meel hoy u noqotay qalalaase siyaaasadeed iyo nabadgelyadaro.

Wasiir Koore, wuxuu sheegay in sababta ay Laascaanood marka loo eego shanta gobo ee kale ee Somaliland ay ugu gaar noqotay qalalaasaha siyaasadeed iyo falalka amnidaro ay ugu wacan yihiin dadkeedu,

“Yaynaan la qabsan xumaanta iyo dhiiga, oo bulshadu ku noolaato argagax, waa in aynu nabadgelyada ka wada shaqayno oo gamcaha isu qabsano:” ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore  oo ka hadlayay shir lagaga hadlayay nabadgelyada gobolka Sool.

 

Mr. Koore, wuxuu sheegay in dhaqaalihii gobolka Sool wax loogu qaban lahaa ku baxdo nabadayn iyo wufuud u socota nabadayn, ciidamo iyo arrimo dhanka amniga ah, sidaa awgeed wuxuu ku booriyay Odayaasha iyo waxgardka in ay qayb weyn ka qaataan arrimaah nabadgelyada

“waxaad mooddaa maadaama Bulshadeenu kasoo jeedo reer guuraa, waxa muuqata in aynaan fahmin in nolloshu dadka ka dhaxayso oo Biyaha, Caafimaadka iyo Waxbarashadda, markaa waa in la fahmaa haddii magaalo la wada joogo in nollosha la wadaago oo wax la wada yeesho,” ayuu yidhi, Wasiir Saleebaan Cali Koore.

Mar uu ka hadlayay arrimaha nabadgelyada ee gobolka, wuxuu sheegay in ay tahay arrinta ay u joogaan gobolka, isagoo xusay in meel wanaagsan ay marayaan arrimaha dhinaca amniga.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.