#Araweelo_ News_ Network.

 

Laascaanood(ANN)-Dagaalka, ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo uu jiro khasaare baahsan oo dhimasho iyo dhaawac, wallow ay adagtahay in la suggo tirada dhabta ah ee khasaaraha, wuxuuna dib uga bilaabmay saaka dagaalku duleedka Magaalada ee mid ka mid ah fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland, halkaas oo ah,  isla agagaarka Buurta Seyidka oo ah halkii maalin sadexaad uu ka bilaabmay.

Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ee ku sugan Laascaanood, ayaa sheegaya in kooxo malayshiyaad deegaanka oo ay weheliyaan xubno sare oo ka tirsan kooxaha Argagixisada oo taageero ka helaya ciidamada maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland markii saddexaad saaka soo weerareen saldhiga ciidamada qaranka Somaliland ee duleedka Laascaanood.

Saraakiisha Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegaya in aannay marnaba ciidanka qaranku weerar qaadin, balse markiis sadexaad iska difaaceen, kaddib markii ay soo weerareen kooxo is bahaystay, kuwaas oo sida ay sheegeen shalay laga qabtay maxaabiis ay ku jiraan xubno sare ee ka tirsan Ururrada Argagixisada, Ciidanka Maamulka Puntland ee PSF iyo dhalinyaro deegaanka ah oo ay sheegeen in lasoo majara-haabiyay, balse ay dhalinyadii deegaanka isla shalayba sii daayeen oo ku wareejiyeen Eheladooda.

Hase yeeshee dagaalka saaka dhacay ayaa u muuqda mid ka kulul kii shalay iyo doraad, iyadoo Magaalada meelo ka mid ah laga arkayay qiiqa Hawadda isku shareeray iyo dhawaaqaduryanka rasaasta , wallow aan si dhab ah loo ogayn qiiqa madaw oo Hawada laga arkayay guddaha Magaalada inuu yahay mid dagaalku sababay inuu yahay dab iskii uga kacay, waxaana isa soo taraya khasaaraha dagaalka oo sii kordhaya dhimmashada iyo dhaawaca.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar kale ku celiyay baaq nabadeed iyo in xabadda la joojiyo oo miiska wadahadalka laysugu yimaado, balse Garaad Jaamac Garaad Ismaaciill oo ka jawaabaya dalabka Madaxweynaha, ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka oo aannay joojinayn, isagoo ku dooday in Baaqa nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland iyo Madaafiic sida uu sheegay kusoo dhacay Magaaladu aannay is qabanayn.

Muuqaalkan Ka Daawo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com