Araweelo News Network.

Somaliland: Liiska Rasmiga ah ee Codbiyayaasha doorashooyinka 31 May #2021.

Somaliland(ANN)-Magaalooyinka Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa maalinta beri ah Axadda oo ku beegan 23 May 2021, ka bilaabmaya Ololaha Kaanbeynka doorashooyinka isku lamaan ee gollayaasha deegaanka dalka iyo gollaha Wakiillada, oo lagu soo koobay muddo lix maalmood ah.

 

Guddida Doorashooyinka Qaranka #Somaliland ayaa shaaciyay xallay waqtiga rasmiga ah ee uu  bilaabanayso ololaha doorashada, iyadoo sagaal maalmood ay ka dhasan yihiin maalinta cod bixinta doorashooyinka Somaliland ee loo asteeyay 31-ka May 2021.

 

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland (NEC), Cabdirashiid Maxamuud Cali (oo loo yaqaan Riyaraac), wuxuu sidaa ku sheegay qoraal lagu shaxeeyay jadwalka Ololaha doorashooyinka oo loo kala diray saddexda xisbi qaran.

Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, ayaa loo qoondeeyay in Xisbi walba uu laba malmood yeesho Ololaha, isla markaana waxa looga digay masuuliyiinta axsaabta in ay baalmaraan nidaamka anshaxa doorashada iyo shuruucda dalka.

Sida ku cad Jadwalka ololaha doorashada Wakiiladda iyo gollayaasha deegaanka wuxuu socon doonaa muddo lix maalmood ah, wuxuuna bilaabanayaa 23 May ilaa 28 May oo ah maalinta ugu danbaysa oo uu soo khatimayo Xsibiga WADDANI, iyadoo Ololaha xilligan ee doorashooyinka Somaliland noqonayo kii ugu muddada yaraa ee taariikhda doorashooyinka Somaliland.

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland (NEC), ayaa hore u shaaciyay Liisaska murrashaxiinta dalka oo dhan ee degmooyinka gollayaasha deegaanka iyo gobollada oo ah Wakiillada, waxayna  sidoo kale shaaciyeen 12 May 2021,  Liiska Rasmiga ah ee Codbixiyayaasha (Final Voter List) ee codkooda ka dhiibanaya doorashooyinka 31 May 2021.

Dhammaan Liisaskaa ayaa loo gudbiyay nuqulo ka mid ah Axsaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana Liista cod bixiyayaasha lagu shaaciyay Munaasibad ay goobjoog ka ahaayeen Guddida Farsamo ee Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI.

Halkan Ka Daalaco Liiska Rasmiga ah ee Codbiyayaasha doorashooyinka 2021.

 

Alt: Araweelo News Network Final Voter List 2021

Final Voter List, Liiska rasmiga ah ee codbiixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ee 31 May 2021. Araweelo News Network

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com