#Araweelo_News_Network.

 

Burco (ANN)-Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo magaciisa laga xaadiriyay shirkii gollaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, balse aan ka xaadirin, ayaa ka hadlay sababta aannu shirkaa uga qaybgelin in inuu si hoose ugu biiray xisbigaa.

Maayar Mooge oo maanta warbaahinta qaarkeed la hadlay, ayaa sheegay in aannay jirin meel uu kaga baxay Xisbiga uu kasoo baxay doorashadii ee WADDANI, sidoo kalena aannay jirin meel kaga biiray KULMIYE, balse wuxuu ayaandaro iyo wax aan xikmad ku fadhiyin ku tilmaamay in magaciisa inta la qaato liis Xisbi aannu ku jirin lagu daro.

“Anniga wax macna ah iima samaynayso in magacayga inta la qaato lagu daro Xisbi aannan dalban, mana jirto arrintaasi ayaan leeyahay, waxaan ku jiraa hawshii aad ii doorateen ee Caasimadda iyo hagaajinteeda, hunguri siyaasadeed iyo hankeeda markaan yeesho annigaa idiin sheegaya, maantase hawshii cuslayd ee aad ii doorateen ayaan ku mashquulsanahay” ayuu yidhi, Cabdikariim Mooge.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Xisbigii uu kasoo baxay (WADDANI), taageerayaashiisa Cabdikariim ahaan iyo labada Xisbi ee kaleba sidaa ku og yihiin, ama ku oggaadaan, isagoo sheegay inuu shirkii Gollaha dhexe ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE uga socday Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo lasoo gebagebeeyay Isniintii 21 August 2023, markii la xaadirinayay magaciisa ka maqlay, balse aannu waxba kala socon.

Dhinaca kale, Xisbiga KUMIYE, ayaa ka hadlay maqnaanshaha Cabdikariim Mooge ee shirka iyo sababta loogu daray Magaciisa, waxaana arrintaa ka hadlay Afhayeenka Xisbiga KULMIYE, Buuni oo su’aalgeliyay sababta Cabdikariim Mooge ilaa shalay uga aamusnaa arrinta haddii aannu raali ka ahayn ee maanta markii shirku dhammaaday uga hadlay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com