Araweelo News Network.a

 #Somaliland: Natiijada Hordhaca Ah Ee Shan Degmo oo ka mid 23 Degmo Doorasho oo la Shaaciyay

Hargeysa(ANN)-#Degmooyinka qaarkood ayaa la shaaciyay natiijada hordhaca ah iyo sida Xisbiyadu ugu kala guulaysteen ilaa shan degmo doorasho oo ka mid ah 23 Degmo doorasho oo Somaliland ah.

Degmooyinka la shaaciyay, ayaa kala ah, Lughaya, Saylac, Gar-adag, Xudun iyo Saalxley.

 

“Lughaya sida aan ka helay Kommishanka Degmada, waxa lagu kala guulaystay gollaha deegaanka, 5 Kulmiye, WADDANI, 2, UCID, 2 sidaa ayay ku dhan yihiin sagaalka xubnood ee gollaha deegaanka Degmada, ayuu Yidhi, Badhasaabka Gobolka Awdal.

Maxamed Caalin Tiimbaro, ayaa sheegay in isagoo soo xiganaya Guddoomiyihii Degmada Saylac ee Guddida Doorashooyinka heer Degmo, ay soo bandhigeen sida loo kala helay, wuxuuna Tiinbaro oo warbaahinta kula hadlay xafiiska Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal sheegay in sidan look ala helay kuraasta gollaha deegaanka Degmada Saylac, KULMIYE 4, WADDNI 4, UCID 3.

 

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Degmooyinka Baki iyo Boorama oo natiijadoodu laalantahay oo la sugayo oo saacadaha soo socda si loo shaaciyo natiijada hordhaca ah oo lagu dhawaaqi doono.

 

Dhinaca kale, waxa la shaaciyay natiijada hordhaca ah ee gollayaasha deegaanka ee dagmooyinka Sallaxlay, Xudun iyo Gar adag, waxaana gollaha Degmada Sallaxlay xisbiga Kulmiye ka helay 4,, UCID ayaa helay 3,  halka Waddani uu ka helay 2 xubnood..

Degmada Xudun gollaha deegaanka xisbiga Kulmiye ayaa ka helay 7, Waddani ayaa ka helay 2 , halka UCID aanu waxba ka helin kuraasta degmada.

Sidoo kale, Degmada Gar-adag xisbiga Kulmiye ayaa ka helay 4 , Waddani 3 , halka UCID uu ka helay 2 xubnood.

Natiijooyinka hordhaca ah ee Bariga iyo Galbeedka shantaa Degmo, ayaa muujinaya in Xisbiga KULMIYE ku horeeyo natiijadooda, wallow aan dabyar shidayn xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI, balse natiijooyinka degmooyinka hadhay ee gobollada ay degmooyinkan ka mid yihiin iyo kuwa heer gobol ayaa la filayaa in ay si weyn wax uga bedelaan saacada soo socda.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Like Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com