Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Somalia, ayaa shaacisay jadwalka doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo loo muddeeyay xilliyo kala duwan, isla markaana la qabto inta u dhaxaysa  July ilaa Oct, 2021.

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta soo xidhay shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka, kaas oo lagaga hadlayay habraacyada muhiimka u ah qabsoomidda Doorashooyinka Dalka.

ALT: Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo guddoominaya shirka lagaga hadlayay jadwelka doorashooyinka Somalia, 29 Jun 2021, Image file Araweelo News Network.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, Shirka ayaa socday intii u dhaxaysay 27 -29 Jun 2021, waxa lagu muddeeyey jadwalka doorashooyinka Labada Golle ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Qoraalka ayaa lagu yidhi, “ Iyada oo laga duulayo dedaallada qabsomidda doorashooyinka, waxa ay Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaran soo saareen qoddobadan:

1- Jadwalka Doorashooyinka

.a) Tababarka iyo doorashada Guddoonka Guddiyada 30 Jun – 05 July 2021.
b) Doorashada Aqalka Sare 25 July 2021.
c) Diyaarinta Goobbaha Codbixinta Doorashada 23 July 2021.
d) Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashada 15 July – 10 August 2021.
e) Doorashada Xildhibaannada Gollaha Shacabka 10 August – 10 September 2021.
f) Diyaarinta Xildhibaannada iyo doorashada Guddoonka Labada Aqal 20 September 2021.
g) Doorashada Madaxweynaha 10 October 2021.

Sidoo kale, Gollaha Wadatashiga Qaran oo fududaynaya doorka ka qaybqaadashada haweenka ee Doorashada, wuxuu go’aamiyay in khidmada laga qaadayay haweenka u sharraxan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la dhimo 50%.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisla wasaaraha Soomaliya.

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com