Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay ururka SAHA (Somalilander American Health Association) oo ay ku midoobeen muwaadiniinta reer Somaliland ee ku xeeldheer arrimaha caafimaadka, kuwaas oo ku dhaqan carriga Maraykanka.

Alt: Araweelo News Network

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya munaasibadda ururka dhakhaatiirta Somaliland ee ku dhaqan carriga maraykanka ee SAHA, Image file Araweelo News Network. 29 Jun 2021.

Munaasibaddan oo lagu soo bandhigayey muhiimadda ay kooxdan dhakhaatiirta ahi ugu fadhiyaan guud ahaan bulshada Somaliland iyo kaalinta ay ka qaataan xaaladdaha caafimaad ee dalka, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirka horumarinta caafimaadka, dhakhaatiirta xubnaha ka ah ururka SAHA, madax katirsan Jaamacaddaha dalka, dhakhaatiir madax bannaan iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas lagu faah-faahiyey shaqooyinka muhiimka ah ee ururkani dadka u hayo iyo waxyaabaha ay doonayaan inay mustaqbalka dalkooda u qabtaan.

Alt: Araweelo News Network

Munaasibadda ururka dhakhaatiirta Somaliland ee ku dhaqan carriga maraykanka ee SAHA, Image file Araweelo News Network. 29 Jun 2021.

Ugu horrayn Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Madar iyo Dr. Maxamuud Daahir Afq-qarshe oo katirsan ururka SAHA oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ururku ka kooban yahay dhakhaatiir mutaddawiciin ah oo si iskood ah isugu abaabulay inay bulshadooda wax kala qabtaan dhinaca caafimaadka, muruqooda iyo maalkoodana kaga qaybqaadanayaan sidii iyo talo iyo tusaaleba u siin lahaayeen qarankooda Jamhuuriyadda Somaliland.

Alt; Araweelo News Network

munaasibadda ururka dhakhaatiirta Somaliland ee ku dhaqan carriga maraykanka ee SAHA, Image file Araweelo News Network. 29 Jun 2021.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Cumar Cali Cabdullaahi, ayaa isaguna bogaadiyey ururka SAHA, isaga oo sheegay in ururkani wax badan la qabtay wasaaradda, islamarkaana kaalin weyn ka ciyaareen caawinta iyo la tacaalista bulshadii uu asiibay cudurka COVID-19, waqtiganna ay jiraan mashaariic muhiim u ah wasaaradda iyo bahda caafimaadka oo ay ururkani gacanta ku hayaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo gabagabeeyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay ururka dhakhaatiirta reer Somaliland ee ku dhaqan carriga maraykanka ee SAHA, waxana uu tilmaamay inay guteen waajib saarnaa oo ay ku gacan qabanayaan dadkooda iyo dalkoodaba.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu la dardaarmay xubnaha dhakhaatiirta ah ee ku bahoobay ururka SAHA, waxana uu ka codsaday inay sii wadaan dedaalka ay dalkooda ku caawinayaan, bulshadoodana ku caawinayaan, waxana uu yidhi,“Waxan ka rejaynayaa inay ururkaa sii xoojiyaan, halgankaa ay ugu jiraan inay dalkooda wax taraaan oo aqoontooda uga faa’iideeyaanna sii wadaan, qarankiinnuna wuu  idiin ogyahay oo wuu idiinka mahadnaqayaaye sii wada oo hawshaas inoo sii ballaadhiya.”ayuu yidji, Madaxweyne Biixi.

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com