Araweelo News Network.

 

“Xildhibaanada naga maqan ee Madaxtooyadda Lagu Sheegay waxaan leenahay soo noqda,”

“Madaxweynaha waxaan leenahay Dadku maanta Iib maaha ,“today the#people are not for sale” ee Dariiqii Rayaale Mar,”, Eng; Faysal Cali Waraabe.

 

Hargeysa(ANN)-Isbahaysiga Xisbiyada Mucaardka, ayaa ka dhawaajiyay in ay heshiis ka gaadheen qaabka ay u qaybsanayaan shirguddoonka gollaha wakiillada Somaliland iyo Maayarada dalka oo ay ugu horayso Maayarka Caasimadda  ee Hargeysa.

Kulan ay yeesheen ku yeesheen maanta Magaalada Hargeysa oo ka qaybgaleen Hoggaanka labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID oo ay joogeen guddiyada ay dhowaan u saareen meel marinta heshiiska isbahaysiga, isla markaana ay kasoo xaadireen xildhibaanada wakiillada labada Xisbi iyo gollayaasha deegaanka ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa,Burco iyo magaalooyinka kale,  ayaa laga sheegay in labada Xisbi heshiis ka gaadheen shirguddoonka Wakiillada iyo Maayarada Dalka.

Eng. Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ayaa sheegay in markii hore qorshuhu ahaa in xisbiga WADDANI iyo UCID, qaybsadaan Maayarka Caasimada Hargeysa iyo Shirguddoonka gollaha Wakiillada, balse waxa uu sheegay in xubnaha gollaha deegaanka uga soo baxay Xisbigiisa Magaalada Hargeysa ay u tanaasuleen Xildhibaan Cabdikariim Axmed Moogge, oo kasoo baxay Xisbiga WADDANI, isla markaana noqday xildhibaanka ugu codka badan, halka uu sheegay in Xisbiga UCID ay qaadanaayan ku xigeenka.

Eng. Faysal, wuxuu sheegay in qaadashada Maayarka Caasimada Hargeysa ee WADDANI, ay dhankooda UCID arrinataasi u goysay in ay qaataan Burco, halka shirgudoonkana uu sheegay in loo daayay Xisbiga WADDANI.

“Iyadoo aan doorashoba la gaadhin ayaanu ku heshiinay in iyaga (WADDANI), ay qaataan Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada, annaguna aannu (UCID) qaadano Maayarka Hargeysa, waana arrinta maanta ina hortimi, waxaanse aad u amaanayaa annaga (UCID), Afartii xildhibaan ee kasoo baxay gollaha deegaanka Hargeysa oo tanaasulay oo yidhi, “Aynu Cabdikariim Axmed Moogge ku maamuusno”, ku xigeenkiina annagaa qaadanay.” Ayuu yidhi, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu sheegay in ku xigeenka Maayarka ee dhanka UCID ay usoo xuleen uu yahay qof la shaqayn kara Cabdikariim Axmed Moogge, isagoo dhinaca kale xusay in loo baahanyahay in Ha\yaddaha Dawliga ah la xoojiyo oo xisbinimada la xoojiyo si aynu looga baxo shaqsinimada iyo qabiilka, isagoo xusay in arrintaasi tahay ta ay dadku maanta u coddeeyeen loona baahanyahay in la ixtiraamo.

 

“Dadku waxay hadda u coddeeyeen in laga baxo qabyaalada, isla markaana la dhiso oo la xoojiyo xisbinimada, annaguna kumaanu khasaarin Cabdikariim inuu noqdo Maayarka Caasimadda oo wuxuu noo gooyay laba Burco ah, sababtoo ah Maayarka Hargeysa wuu u dhigmaa laba Burco ah, waxaanuna ku dhamaysanay niyad wanaagaa.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Dhinaca kale, Eng. Faysal, wuxuu farriin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isagoo yidhi, “Madaxweynaha waxaan leeyahay, doorashada sharaf ayaynu ku helay, sharaf labaadna waxaynu ku helay in mucaaradka helay aqlabiyada, sababtoo ah Afrika kama dhacdo, Markaa Madaxweynaah waxaan ku waaninayaa in uu qabto wasiirada suuqa la ordaya lacagta iyo tollaayeeyda  oo aannay innaga shaashayn doorashadii.”

Eng. Faysal, wuxuu sheegay in loo baahanyahay sidii iskaashi saddexda Xisbi aduunka uga iibin lahayan doorashada ee ictiraaf iyo dhaqaale u heli lahayn uguna hanbalyayn lahayn dadkeena iyo ciidankeena, “Maaha in aan waqti ku lumino waa in aynu Maayarka  iyo shirgudoonka qaadano, :waa in aynaan isku meersaysan ee saddexdeena Xisbi isu nimaadnaa oo gamcaha is qabsanaa sidii aynu uga shaqayn lahayn sidii loo iibin lahaa doorashada, si dalku dhaqaale iyo ictiraaf u helo.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal, waxa kale oo uu tusaale usoo qaatay qaabkii ay xisbigiisa UCID iyo Xisbiga KULMIYE oo ahaa Mucaarad, xilligana ah xisbul xaakimka doorashadii gollaha wakiillada ee 2005, ugu heshiiyeen in ay qaataan shirgudoonka gollaha, isagoo yidhi, “2005, waxa heshiiyay KULMIYE iyo UCID, labada Xisbi waxa ka madax ahaa laba Nin oo isku meel kasoo jeeda, Madaxweynihii xilligaa Daahir Rayaale ma odhan, “reer baa isugu kay tegey”, markaa Madaxweynaha waxan leeyahay naga jooji, waad ogtahy anniga iyo “Guddoomiyaha WADDANI Cirro” halka aannu kala marayno.”, laba walaalo ah ayaa laba Xisbi kala hoggaamin kara, markaa Madaxweynaha Afkiisu waa inuu ka wanaagsanaado, “kuwa Baraha Bulshada ka yidhaahda Dawladda Somaliland waa reer”, kuwaana waxan u sheegnaa in Somaliland aannay reer lahayn, markaa Madaxweyne waxba inooma kala qarsoona ee waxaad Madaxtooyadda ka tidhaahdo habeenkii ayaa naloo keenaa, weliba waxan leenahay yaan aduunku idin maqlin oo waanu xishoonaynaa, adna hoos u dhig ayaanu ku leenahay yaan aduunku ina maqline.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrinta doorashadu ay tahay guushii Somaliland iyo jabkii cadawga Somaliland, sidaa awgeed loo baahanyahay in Madaxweynuhu maro wadadii uu maray Madaxweynihii hore Daahir Rayaale, “Madaxweynaha waxan leenahay Rayaale, wuxuu xilligaa u baahnaa 8 cod muu heli kari waayin,  adna maanta 12 cod ayaad u baahantahay, dadkiina maanta maaha IIb “today the people are not for sale”, waa dhilanyaro caqli leh oo doonaya in ay wax bedelaan, markaa  Madaxweyne gobonimadii Rayaale sameeyey waddadeedii mar.”

Guddoomiye Faysal, wuxuu usoo jeediyay xildhibaanada in aannay Madaxtooyadda ku yaacin, isagoo xusay in ay xilligan ka maqan yihiin Afar xildhibaan oo axsaabta mucaaradka ah, kuwaas oo sida uu sheegay kasoo baxay Berbera iyo Gebilay, isla markaana sida uu ka dhawaajiyay lagu sheegay Madaxtooyadda, wuxuuna ugu baaqay in ay kusoo laabtaan, isagoo guddiyada labada Xisbi usoo jeediyay in ay si deg deg ah usii wadaan kulamadooda, “Xildhibaanada naga maqan ee Madaxtooyadda Lagu Sheegay waxaan leenahay soo noqda, Madaxweynahana waxaan leenahay Dariiqii Rayaale Mar, Dadku maanta Iib maahee”, ayuu Guddoomiyaha UCID.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com