Araweelo News Network.

 

#Hargeysa(ANN)- #Madaxweynaha@amhuuriyadda #Somaliland,  Muuse #Biixi Cabdi ayaa qiray doorka iyo awoodda warbaahinta Online-ka ah ee (@Websites), ama #Marreeggaha wararka #Somaliland, isagoo ku ammaanay doorkii iyo masuuliyadii ay ku lahaayeen doorashooyinkii ka qabsoomay Somaliland 31 May 2021. Kuwaas oo si nabadgelyo ah kusoo dhammaaday, isla markaana si weyn ugu soo jiiday qaranka Somaliland sumcad.

Madaxweynaha, ayaa sidaa ka sheegay mar uu maanta kulan la yeeshay guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, isagoo si guud ugu amaanay warbaahinta iyo sidoo kale dhalinyaradii Jaamacaddaha dalka ee ka qayb qaatay doorashooyinka, Ciidamadda amaanka iyo dadweynaha oo waajibkooda gutay.

Qabsoomidda Doorashooyinka iska Sidkan ee Gollayaasha Deegaanka iyo Wakilllada, wuxuu Madaxweyne Biixi ku ammaanay Guddida Doorashooyinka, isagoo xusay inay hirgeliyeen nidaam ku cusub oo ahaa hannaanka qabsoomidda doorashooyinka dalka oo aan hore u jirin, kaas oo sida uu sheegay meesha ka saaray cabashooyin iyo tuhunno ku yimaadda natiijada doorashooyinka 31 May 2021.

 

Sidoo kale, Guddida doorashooyinka, ayuu Madaxweyne Biixi ku ammaanay hawsha iyo baaxadeeda, isagoo xusay sida turxaan la’aanta ahayd ee ay u maamuleen doorashooyinka, isla markaana wuxuu dhinaca kale, warbaahinta dalka gaar ahaan Mareegaha  Wararka (Websites) iyo Telefishannada ku ammaanay doorkii ay qaateen wacyi-gelinta iyo baahinta wararka toggan ee ku saabsan arrimaha Doorashooyinka Dalka, isagoo Madaxweyne Biixi xusay qaybta in ay ka qaateen qayb laxaad leh oo wax-qabadkooda la dareemay.

 

“Warbaahinta madaxa-bannaan waxay u shaqeeyaan si waddaniyadeed; hadday TV-yo yihiin, hadday Website-yo yihiin, qof kasta waxbuu ka geystay wacyigelinta.Waa markii u horeysay ee wacyi-gelinteennu midowday, waa markii u horeysya ee loo wada addeegay sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, hadday tahay warbaahinta Qaranku hayey iyo kuwii gaarka loo lahaaba,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, Marreeggaha Wararka ee ka hawl-gala Somaliland ayaa inta badan ku midaysan xilligan Ururka Warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland Online Media Association ee loo soo gabiyo  (SOMA), kaas oo Guddida Doorashooyinka Qaranka kala shaqeeyay gudbinta farriimaha wacyi-gelinta iyo wararka ku saabsan arrimaha Doorashooyinka oo ay si joogto ah u baahin jireen, iyagoo ka eegayay danta qaranka iyo ahmiyadda doorashooyinka, balse aan ka eegayn dano gaar ah oo dhaqaalle, ama dano siyaasadeed iyo ujeedooyin xisbi.

Marreegaha ku midoobay Ururka SOMA,  oo ah Warbaahinta Onlineka ah (Websites), waxa la ogyahay saamaynta ay dunida  ku leeyihiin xilligan casriga ah ee horumarka Tignoolajiyadda dunida, waxayna kaalin mug leh ugu jiraan horumarinta Dhaqan-dhaqaale, Dimuqraadiyadeed iyo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu tilmaamaa inay yihiin wejiga, ama murraayadda ay duniddu ka dheehato xaaladdaha kala duwan ee guddaha Somaliland ka jira iyo weliba in ay yihiin meelaha kaydka ah ee macluumaadka ku saabsan Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay dunidu ka daalacato.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com