#Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN) Wasiirkiii Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye ayaa ku dhawaaqay inuu iska celiyay xillkii uu ka hayay Xukuumadda Madaxweye Biixi.

Wasiir Caateeye, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu cawayskii kula Hadlay warbaahinta gurigiisa Magaalada Hargeysa.

 

Arrinta is casilaada ayuu ku sababeeyay innay la xidhiidho Heshiiska dawladda Ethiopia iyo xukuumadda uu ka tirsnaa ku wada gaadheen Addis Ababa 1 jan 2024.

 

Heshiiska oo abuuray arrin Xaasaasi ah, ayaa sababay in mudaharaadyo lagu diidan yahay ay shacbiga ku muujiyeen dareenkooda, wuxuuna kusoo beegay is casilaada iyadoo maanta Mudaharaadyo waaweyn oo lagu diiday heshiiska ay ka dhaceen Boorama iyo Salal, iyadoo ay muujiyeen dareenkooda ay ku diidan yihiin heshiiska Badda Somaliland lagu siiyay Ethiopia.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com