#Araweelo_News_Network.

Boorama(ANN)-Mudahaaradyo lagu diidanyahay heshiiska Is-afgaradka ee Xukuumadda Somaliland la gashay dawladda Ethiopia oo laga xusay in saldhig Millateri laga siinayo Xeebbaha Galbeedka Somaliland, isla markaana Somaliland sjheegtay innay ku beddelatay Saami laga siiyay Diyaaradda Ethiopian Airline iyo in Ethiopia aqoonsato Somaliland, ayaa sababay gedood iyo cadho ay dadku ku muujiyeen mudaharaadyo dareenlooda.

Magaalooyika Galbeedka ee Boorama iyo Salal ayaa maanta laga sameeyay dibadbaxyo lagaga soo horjeeda hindisaha Heshiiska, waxayna arrintaasi sababtay in Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumadda Madaxweyne Biixi, Cabdiqani Caateeye iska casilo xilka, isagoo sabab uga dhigay in ay Madaxweynaha iksu fahmi waayeen Heeshiiska Ethiopia oo aan ahayn mid la aqbali karo.

Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, ayaa hore looga sameeyay isku soo baxyo lagu diiday hindisaha heshiiska, wallow ay shacbiga qayb ka mid ah riyaaqeen markii ay maqleen weehdhaha xukuumadda ee ahaa innay aqoonsi ku beddelatay, balse dad baddan ayaa dib uga istaagay oo markii hore u hanqal taagay, kaddib markii warar kuwaa ka duwan kasoo baxeen dhanka Ethiopia.

Arrinta heshiiska, ayaa noqotay mid si weyn ugu soo jeediyay gobolka indhaha caalamka, iyadoo dalal baddan oo aduunka ah ka muujiyeen walaac iyo inuu kiciyo xiisaddo siyaasadeed oo dabka kusii qabta xasiloonida yar ee gobolka.

Sidoo kale, dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku tilmaantay midaannay marna aqbalayn, iyadoo dawladda Ethiopia uga yeedhay safiirkeeda u joogay Addis Ababa.

Qaar ka mid ah dalalka Caalamka ee daneeya arrimaha gobolka ayaa ku baaqaya in xaalladda la dejiyo oo laga wadahadlo, balse aan loo beddelin gacan ka hadal.

Heshiiska Xukuumadda Somaliland iyo Ethiopia ayaa noqday mid abuuray xaasaasiyad gilgishay gobolka, iyadoo Bulshada Soomaalidu ka muujisay dareenkooda, isla markaana ka digeen in uu horseedi karo khatar weyn.

Muuqaalkan ka Daawo Shacabka Boorama Oo Mudahaarad Isugu Soo Baxay.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com