#Araweelo_News_Network

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Asmara(ANN)Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka degey dalka Ereteria, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afwerkii.

Lama ogga booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh oo kusoo beegantay xilli xaasaasi ah oo murran kusii siqaya gacan ka hadal u dhexeeyo dawladda Federaalka Ethiopia iyo dawladda Somaliland oo dhowaan 1 Jan 2024, kala saxeexday heshiis is-afgarad ah, kaas oo saldhig Millateri ay Somaliland ka siisay xeebaheeda, iyadoo sheegtay innay ku beddelatay saami laga siiyay shirkadda Diyaaraddaha ee Ethiopian Airline iyo weli aqoonsi ay sheegtay in loo fidinayo, wallow ay arrinta Badda Cas ee saldhiga loo balanqaaday Ethiopia ay hadheeyeen duufaano siyaasadeed oo guddaha ah oo si weyn shacbigu uga biyo diideen, isla markaana xiisaddaha ka dhashay duniidu ka cabsi qabto innay dab kusii shidaan collaaddaha gaamuray iyo qalalaasaha gobolku caanka ku yahay.

Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka ayaa warbaahinta iska weeraray marar baddan tan iyo markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia kala saxeexdeen Is-afaradka (MOU).

#Somaliland: Heshiiska Ethiopia Oo Kiciyay Dareenka Boorama Iyo Salal

Dhinaca kale, Madaxweynaha dawladda Federaalka oo ku jira dedaal uu ku doonayo inuu taageero u helo dooddiisa, ayaa dalka Ereteria uga sii gudbaya dhanka dalka Masar, iyadoo Madaxweynaha Masar Cabdilfataax Al-Siisi uu marti-qaad u fidiyay, sida ay shaacisay caweyskii caawa wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya ee SONNA.

Marti-qaadka ayaa madaxweynaha Soomaaliya uusoo gaadhsiiyey wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo booqasho ku yimid Muqdisho iyaga oo la shiray madaxweyne Xasan Sheekh Axaddii, ka hor intii aannu Isniintii u boqoolin dhinaca dalka Ereteria.

Wakaaladda aata warkeeda ku sheegtay in wafdiga Masar ee la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh  ku celiyeen in Madaxweyne Al-Siisi uu si aan leexleexad lahayn u taagersan yahay gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

#Somaliland: Heshiiska Badda Ee Ethiopia Oo Sababay In Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Xilka Iska Casilay

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Djibouti, ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegay innay si walaac leh ula socotay xiisadda ka dhex curatay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Dimoqraadiga Ethiopia

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Djibouti, waxay sheegtay in dalka Jamhuuriyadda JaDjibouti oo xilligan haya  madaxtinnimada urur goboleedka IGAD ay si xooggan u caddaynayso taageerada ilaalinta gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee dhammaan waddamada xubnaha ka ah ururka, taas oo ay sheegtay innay aasaas u tahay mabaadii’da iyo xeerarkii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika.

“Jamhuuriyadda Djibouti waxay ugu baaqaysaa labada waddan ee walaalaha ah innay qaataan dariiqa wadahadalka si ay uga shaqeeyaan dejinta [xiisadda],” ayay Djibouti ku sheegtay war saxaafadeedka, mana jirin meel ay kaga xusatay xuddunta xiisadda xilligan iyo dhinaca jamhuuriyadda Somaliland oo heshiiska ay la gashay dawladda Federaalka ee Ethiopia sababay innay dalwadda Federaalka Soomaaliya ee Xasan Sheekh si weyn uga qayliso, taas oo dhawaaqyadii u danbeeyay ee kasoo baxay Madaxweyne Xasan ku sheegay in dagaal ka dhan  ah Ethiopia ay dadka Soomaaliyeed u diyaargaroobaan.

#Ethiopia: Heshiiska Indhaha Caalamka Kusoo Jeediyay Gobolka Iyo Xasaasiyadda Ka Dhalatay

Arrinta heshiiska Is-afgaradka Somaliland iyo Ethiopia ayaa noqday mawduuc si weyn dunidu u qaadaa dhigay, iyadoo warbaahinta aduunku ku faaqidayaan bogga hore, isla markaana muujinayaan xiisad collaadeed iyo cabsi kusoo waajahan gobolka oo uga sii daray xaaladda, iyadoo xilligan collaadda Qaza ee Israel iyo Xamaas noqotay mid saamayn weyn ku yeelatay xasiloonida gobolka Bariga dhexe, Bariga Afrika, geeska Afrika oo kulaalaya Badda Cas oo dagaalka Bariga dhexe ka hulaaqmayo, taas oo saamayn ku yeelatay isu socodka gaadiidka Baddaha ee isaga gudba Caalamka iyo ganasiga aduunka. Sidaa awgeed ay qaar baddan oo ka mid ah dalalka Caalamka ugu awoodda weyn ka waalacsan yihiin weerarada diblamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Ethiopia hormood u noqdaan hurinta collaaddo dunida dib u xusuusiya 1977, wixii ka dhacay gobolka iyo xusuusta collaaddo hore oo laga joogo qarniyo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com