#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Loollan xamaasadaysan ayaa hadheeyay jawiga siyaasadda Somaliland, kaddib markii Guddoomiyihii gollaha wakiillada Somaliland Cabdirsaaq Khaliif si rasmi ah ugu dhaawaqay xalay inuu iska casilay xilkii Guddoomiye ee uu hayay labadii sannadood ee u danbeeyay iyo xubinimadii gollaha.

Laxidhiidha: Is Casilaada Guddoomiyihii Gollaha Wakiillada Guul Iyo Guuldaro Cidda Danbarsan Doonta Natiijadda Siyaasadda Laascaanood

Arrintan ayaa sababtay bilawga kaanbeynka iyo loollanka buuxinta jagada guddoomiyaha ee banaanaatay oo ay weheliyaan qorshayaal kale oo xildhibaanada qaarkood ku doonayaan wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeer hoosaadka gollaha si loo khafiifiyo shuruudaha adkaynaya xil ka qaadista  shirgudoonka gollaha iyo awooddiisa.

Laxidhiidha: Dacwadda Guddoomiyaha Gollaha Wakiilladda Oo Asqaysay Saaxadda Siyaasadda

Xiliigan, wuxuu golluhu galay fasax muddo todobaad ah oo lagu wargeliyay saaka sida ay warbaahinta u sheegeen xildhibaanada qaarkood, balse waxa si weyn loo dareemayaa loollanka loogu jiro buuxinta jagada guddoomiyaha oo ay ku loollamayaan inta la ogyahay dhawr xubnood laba ka mid ah ay yihiin guddoomiye ku xigeenada gollaha iyo tiraba saddex xildhibaan oo midkood yahay Siyaasiga Yaasiin Maxamuud Xiir (faratoon) oo isagu guddoomiyaha is casilay kula loollamay kursigaa.

Gollaha wakiilada, ayaa muddooyinkan u muuqday mid ay ka muuqato kala qaybsanaan, iyadoo dhawrkii bilood ee u danbeeyay culays siyaasadeed oo la xidhiidhay arrinta guddoomiyihii hore Cabdirisaaq Khaliif saamayn ku yeelatay, waxayna is casilaadiisu abuurtay marxalad kale iyo loollan aan la hubin in natiijadiisu ku dhammaanay midnimo iyo inay meesha ka saarto kala qaybsanaanta.

Laxidhiidha: Somaliland: Xeer-ilaalinta Qaranka Oo Dacwad Ku Ooggay Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif

In baddan oo ka mid ah Bulshada ayaa su’aalo iska weydiinaya sida uu gollaha wakiilladu u badbaadi karo in kala qaybsanaanta iyo loollanka xilligan oo ay hadheeyeen xiisaddaha siyaasadeed ee ku xeeran oo noqon kara kuwa galaafta gebi ahaanba, ama ugu yaraan curyaamiya qorshayaasha iyo hawlaha qaran ee ay bulshada u hayaan iyo waajibaadkooda Dastuuriga ah, balse waxa la eegi doonaa natiijada maalmaha soo socda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com