Doodda Guddoomiye Ku Xigeenka Cali Xaamud Jibriil Iyo Kulankii Lagu Naaqishay Arrinta Guddoomiye Khaliif Oo Ku Dhammaaday Natiijo La’aan

 

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Gollaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku mashuuqlsan xiisadda ka dhalatay dacwadda Xeer-ilaalinta Qaranku kasoo gudbisay Guddoomiyaha gollaha wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, taas oo si weyn u abuurtay dood siyaasadeed iyo mid dhinaca sharciga ah.

ALt: Araweelo_News

Ka Bilaw Midig, Guddoomiye ku xigeenka Kooaad ee gollaha Wakiillada Somaliland, Siciid Mire Giire, Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Gudoomiyaha Gollaha wakiillada Cabdirisaaq Kahliif iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiillada, Cali Xaamud Jibriil, 10 Jun 2023, Image Araweelo News Network.

Guddoomiye ku xiggeenka gollaha wakiillada Siciid Mire Giire oo ah ku simaha Guddoomiyaha iyo xildhibaano ka mid ah gollaha oo ay weheliyaan la taliyayaal dhinaca sharciga ah, ayaa saaka kulan gaar ah ka yeeshay arrinta guddoomiyaha.

Kulankaa oo ahaa mid albaabada loo xidhay oo ka dhacay xarunta gollaha ayaan la oggayn waxa ay ku dhammaatay natiijadiisu, wallow ay aannay jirin wax war ah oo kasoo baxay, balse sida shebakaddaha wararka ee Araweelo News Network ka helay ila wareedyo aan ka fogayn kulanka ayaa noqday mid aannay wax natiijo ah kasoo bixin, kaddib markii qaabka sharci ee golle ahaan loo waajahayo ay ka dhasheen dooddo sharci.

Ila wareedyada ayaa tibaaxay in kulankaa oo qaatay saacaddo markii laysku mari waayay natiijadiisu noqotay in arrinta loo gudbiyo golle weynaha si ay go’aan uga gaadhaan.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha wakiillada Somaliland, Cali Xaamud Jibriil oo maanta kusoo laabtay dalka, isla markaana xildhibaano ka tirsan gollaha wakiilladu kusoo dhoweeyeen Madaarka Hargeysa, isagoo safar shaqo dalka dibaddiisa ugu maqnaa, ayaa sheegay in ay u dhaarteen qadiyadda Somaliland, sidaa awgeed cidkasta oo qadiyadda Somaliland kasoo jeeda aannay ka mid ahayn.

Guddoomiye Cali Xaamud, wuxuu sidaa uga jawaabay su’aal uu weydiiyay weriye ka socday Telefishanka MMTV, taas oo la xidhiiidhay arrinta Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, “Annagu waxaanu u dhaaranay qadiyadda Somaliland, wax alaale wixii kasoo jeedana naga mid maaha” ayuu yidhi, wallow markii lagu celiyay inuu taas ula jeedo in guddoomiye Khaliif kasoo horjeedo qadiyadda uu xildhibaan Cali Xaamud ka muquurtay, isagoo sheegay inay arrinta Guddoomiyahoodu tahay mid u taal gollaha oo aannu ka hordhacayn.

“Arrintu Guddoomiyuhu gollaha ayay hortaal, waana wada tashanaynaa xildhibaanada iyo gollaha oo dhan” ayuu Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha wakiillada, Cali Xaamud Jibriil.

 

Dhinaca kale, Doodo baddan iyo hadalhayn ayaa ka taagnaa safarada Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif iyo maqnaanshihiisa hawsha uu qaranka u hayay, balse Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa u gudbiyay Maxkamadda Dastuuriga ah arji dacwad ooggis Dastuur jebin ah, kaas oo lidi ku ah Guddoomiyaha Golalha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Laxidhiidha: Somaliland: Xeer-ilaalinta Qaranka Oo Dacwad Ku Ooggay Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif

 

Qoraalka Xeer-ilaalinta oo sida ka muuqata waraaqaha dukumeentiga ku taariikhaysan 01/06/2023, ayaa gaadhay Maxkamadda Sare ee Dastuuriga 04/06/2023, sida ku cad qoraal ay baahisay Maxkamadda Sare todobaadkii hore.

 

Sidoo kale, Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa qoraal ku taariikhaysan 06\06\2023 u gudbisay Gollaha Wakiillada, kaas oo ay ku dalbanayso in la gaadhsiiyo dacwadda Dastuuriga ah ee sumadeedu tahay MS/GD/02/2023.

 

Dacwadda oo lidi ah Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada, waxay sidoo kale, Maxkamadda Dastuuriga ah u dirtay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada nuqul kamid ah Dacwadda Dastuuriga ah ee uu soo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku, taas oo ay kaga dalbanayso in uu kaga soo jawaabo 7 cisho gudahood, oo ka bilaabmaya taariikhda 06 bisha Juun ee sannadka 2023, kuna eg 13 2023.

Laxidhiidha: Maxkamadda Sare Maxay Ka Tidhi Arjiga Dacwadda Guddoomiye Khaliif

Guddoomiye  Cabdirisaaq Khaliif, ayaa dhankiisa wuxuu jawaab degdeg ah ka bixiyay dalabka Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda sare, isagoo qoraal kooban oo jawaab u ah arrintaa soo dhigay bartiisa Facebook.

“Qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda sare wax qiime sharci ah malaha, wuxuuna baalmarsanyahay dastuurka dalka iyo dhammaan xeerarka dhaqangalka ah, mana mudna inaan ka jawaabo, waa arrin jawaabteedu u taallo guud ahaan gollaha Baarlamaanka (Wakiilladda iyo Guurtida), ee awooddahooda  iyo xasaanadooda lagu xadgudbay.” Ayuu qoraalka jawaabta ah ku yidhi, Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Laxidhiidha:  Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladda Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Qoraalka Hay’addaha Garsoorka

Dhinaca kale, qoraalka maxkamadda sare iyo xeer-ilaalinta ayaa si weyn loo duray, iyadoo si gaar ah farta loogu fiiaqay qoraalka Maxkamadda sare, kaas oo dadka ku xeel-dheer shuruucda iyo qawaaniinta dalku ku macneeyeen mid uu ka muuqday degdeg iyo faham la’aan dhanka awooddaha dastuuriga iyo xeerarka dalka.

Markii ay soo baxeen dooddaha dhinaca sharciga ee ka dhashay arrintan, waxa ka hadlay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo sheegay in aan loo baahnayn in maamuuska laga xayuubiyo Guddoomiyaha, isla markaana aannay jirin meel ay xeer-ilaalintu ku dalbatay in xasaanadda laga qaado guddoomiyaha, balse ay dacwadda ku ooggayaan isagoo sita xasaanaddiisa, wallow fasiraada dhinaca sharciga Xeer-ilaalintu noqday mid sii kiciya dooddo iyo murran kale oo sharci.

Dacwadda xeer-ilaalintu ka gudbisay Guddoomiyaha Gollaha wakiillada, ayaa noqonay tii u horaysay ee nooceeda ah 32 sannadood oo ay Somaliland jirtay masuul derejadaa ka haya dalka, isla markaana ah qofka saddexaad ee qaranka laga gudbiyo, balse waxa xusid muddan in gollihii wakiillada ee labaad 2001. ku gacansaydheen dalab uga yimi xeer-ilaalinta oo ahaa in xildhibaan ka tirsanaa gollaha wakiillada xasaanadda laga qaado si dacwad loogu ooggo, iyadoo gollihii xilligaa ay gebi ahaanba diideen in ay aqbalaan dalabka xeer-ilalinta, wallow ay xeer-ilaalintu sheegtay in dacwadda Guddoomiye Khaliif aannay u baahnayn in xasaanadda laga qaado.

Dooddaha sharci iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhashay arirntan ayaa ruxay ra’yal caamka bulshada, lama ogga go’aanka ay gollaha wakiilladu ka qaadan doonaan arrinta guddoomiyahooda Cabdirisaaq  Khaliif oo abuuri karta jawi siyaasadeed oo ka duwan ka ay Somaliland ku jiro maanta, isla markaana saamayn ku yeelankara xisaadda collaadeed ee ka taagan Laascaanood.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com