Araweelo News Network.

Ugu horayn waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan ummadda Somaliland, meel kasta ood joogtaan, waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka slm alkm wwbrkt

Waxaan ugu horayn u mahad naqayaa illaahay oo inoo suurto geliyay wax kasta oo aynu haysano oo nabada Iyo doorashooyinkan sida wanaagsan inoogu dhacay ay ku kow ka yihiin

Waxaan mar labaad hambalyaynayaa shacab weynaha Somaliland oo iyaguna ah kuwa runtii ah kuwa isku tashaday ee guushaa gaadhay

Kolay anigoo kulmiye taageersan ayaan qaladka Iyo saxa sheegay, sheegi jiray oo sheegayaa.

Ceeb maaha hadaan qaladka kulmiye wax ka sheego, horaan uga sheegi jiray dawladii Siilaanyo, tana waxba iigama duwana. Mid kale Ma cid ay ka qarsoon tahay baa jirta in kulmiye laga badiyay waqtigan xaadirka ah, haday noqoto golayaasha degaanka Iyo ka baarlamaankaba.

Hogaanka xisbiga kulmiye ayaa xukuumada ayaa dayacay xisbigii kulmiye. Xisbigu isdaba qabasho dhaqso ah ayuu u baahan yahay

Qolyo aanu isku kulmiye ahayn laakiin u badan Xisbi ku qabiil baan inboxka kaygu ku arkayay leh ma mucaarid baad noqotay mucaarid, Maya ma noqon mucaarid ee kulmiye qaladkiisa weligayba waan sheegayaa waanan sheegi jiray. Xisbi yahanku waa inuu inuu labada jeerba u hiiliyaan. Waxa dhacay maaha wax qarsoon, kii kulmiye taageersanaa ee sheega ama ka hadla qaladka dhacayna maaha mid diinta ka baxay

2002 hawshaan la bilaabay baan ku jiraa weli, hadaan mar Iyo laba idhi xisbiga waa digada ma dayrkii markaan gubay. Sowta xataa caruurtii leh maxaa ku dhacay xisbigaagii

Qolyo aaxaabta ah oo aan anigu sabab u ahaa inay kulmiye noqdaan ayaa aniga i leh mucaaradada jooji, waa mar aan qaladka kulmiye ee hada jooga ku xariiqay bartayda Facebook.

Mucaarid ma ihi, xisbigana weli waan taageeraa oon taageeray in badan. Qof iga kulmiyaysan inuu jiro u malayn maayo? Laakiin anagu kulmiye hadaanu nahay wixii qalada waanu isu sheegnaa oo hore isugu sheegnay oo aan weliba Anigu u sheegaa qaladka

Waa markii u horaysay ee xisbigu ee ay ku guulaysan waayaan ama lumiyaan Maayaradda Magaalooyinka waaweyn ee dalka intooda badan, gaar ahaan caasimada

Xisbiga kulmiye waxaanu aasaasnay 2002 , waana markii u horaysay ee xaalad noocan ah galo, balse waa xaalad si degdega looga bixi karo hadii lala yimaado siyaasad ka wanaagsan tan imika nala dhaadhacday.

Kulmiye waxa uu ku dhawaad 10 sano noqday xisbi mucaarid ah kii ugu adkaa xaga mucaaridnomo ee Somaliland soo Mara, isla markaana loolan adag la galay UDUB, loolankaa oo ugu dambaytii keenay in kulmiye kasbado quluubta shicibka Somaliland keentayna in kulmiye ku guuleystay inuu talada wadanka qabto sanadii 2010-kii, kulmiye waa xisbiga kaliya ee la yidhi Waxaa lagaaga helay 80 cod ee aqbalay iyagoo u tudhaya qaranka

Kulmiye oo ahaa Ururradii Siyaasadda ee u dambeeyey ee la diiwaan geliyey, isla markii la douw aan geliyayna keenay guulo badan , waxa uu kumiye ku socday xawaare sare oo siyaasadeed

Kulmiye isagoo xisbi cusub ahaa waxa uu guul isla sanadkaa xisbiga la aasaasay ee 2002 ka gaadhay doorashadii isla sanadkaa 2002 dhacday ee golaha deegaanka

Waxaa soo xigtay doorashadii ee Madaxtooyada ee 2003-kii, halkaas oonu signay inaanu ku guuleysano talada dalka , ka dib markii Xisbigii UDUB iyo murrashaxoodii Daahir Rayaale Kaahin uu 80 cod ku helay.

2005-kii doorashadii Golaha Wakiillada waxaanu helay 28 kursi, halka Xisbigii aanu sida weyn isu haynay ee xukuumaduna uu helay 33 Kursi, UCID-na 21 Kursi, waxaanu ku guulaysanay inaad laba xubnood ku yeelanay shir-guddoonkii Golaha Wakiillada

Kulmiye isagoo mucaarid ah ayuu 2010-kii,ku guulaystay doorashadii madaxtooyada, isagoo weliba helay 50 % in ku dhow codadkii umada.

Kulmiye waxa 2012-kii, isagoo talada
dalka haya laba sano Waxaa ay ku dhiiradeen inay furaan Ururradii siyaasadda, waxaanu mar labaad ka mid noqonay sadexdii xisbi ee soo baxay

Waxaanu mar kale 2017-kii, guul (landslide victory) ka soo hoynay doorashadii madaxtooyada Somaliland oo aanu ku guulaysanay cod 55%.

Hadaba halkee ayay ka bilaabanatay hoos u dhaca xisbigii kulmiye ee guulahaa aynu soo sheegnay lahaa???

Anigu shaqsiyan waxaan aaminsanahay in dhibta ay ka timid kulmiye dhexdiisa Iyo cadho badan oo ka dhalatay dad badan oo ku hamiyi jiray inay xisbiga Iyo xukuumadaba si mug leh uga muuqdaan

Markaan arkay Khilaafkii iyo mucaaradadii guddaha Kulmiye oo dibada usoo baxay ayaan asxaab aan la joogay ku idhi kulmiye ka eeg wadadii ay udub martay. Way joogaan markhaatiyadaasi oo waxa ka mida, ex minister dibudejinta Mohamed Yusuf, Ismail Hasan Muslim, Abdi kosar Farah jire, Dr xiis(ceerigaabo) Iyo Mayor Huseen Maydh Iyo ismail Aw Aden Jaajuumow loona yaqaan adeer xabiibi. Intaas ayaan u sheegay inay sidani dhici doonto.

Guntii Iyo gebegebo
Cida maanta guulaysatay waa Somaliland
Guusha labaad waxa leh madaxweynaha qaranka.
Kulmiye wuxuu ku guulaystay in uu qabto laba doorasho oo isa saaran , doorashooyin waqtigoodii dhaafeen 15 sano oo hore loogu dhici waayay in la qabto, ilaahay ka sokow madaxweynahaa ku dhiiraday baa sharaf, magac Iyo karaamoba ku helay

Kulmiye waxaa ku hambalyanyaa in ay belaayo bixiyayaashii ( aka deeqbixiyayaal, illaahay baa deeq bixiya eh) inaga xoreeyeen oo 75% Kharashkii Doorashada ay dawladu bixisay, deeq bixiyayaal isku sheeg rabay inay inagu maamulaan wax aynu iska bixin karaynay weligeenba. Madaxweynehu wuu ku mahadsan yahay

Waxaan ku hambalyanayaa madaxweynaha iyo xukumadaba inaanay faro gelin ku samayn doorashooyinkii Isa saaraa Iyo tan shir gudoonkaba. Dawladu way awoodaysay inay Waxay doonto samayso laakiin Waxay ixtiraamtay rabitaanka shacabkeeda. Taasina iska daa africa ee caalamka kale kama dhacdo. Madaxweynaha ayay sharaf Iyo magac u tahay

Kulmiye waxaan ku hambalyaynayaa inay Shan daqiiqo gudahood ku aqbaleen natiijadii golaha, taasina waa sharaf kale oo aanay sameeyeen mucaaridku 💯 percent

Waxaan ku hambalyaynayaaa kulmiye inay aqbaleen guuldaradii oo ay ku qanceen natiijadii ay isbahaysigu ka gaadheen Iyo guushoodii maayirada caasimada Iyo wadankoo dhan, tana waa mid aan hubo inaanu mucaaridku marnaba sameeyeen, waayo iyadoon shir gudoonkii la dooran ayaad aragteeen waxay shubayeen.

Ta isbahaysiga, Labada hoggaamiye maan jeclaysan hadaladii ka soo yeedhay maalin ka hor intaan shir gudoonka la dooran. Allah kareem. Shicibku ma Indho la,a

Waxaan ku hambalyaynayaa dawladda inay mar kale caalamka tustay in Somaliland dimuqraadiyadeedu ay qaan gaadhay

Waxaan ku hambalyaynayaa dawlada inaanay laaluush ku bixin arinka shir gudoonka Iyo mid kale toona oo aan xoolohii umada lagu lagu firinbidhin.

Shicibka Somaliland waa gob gobi dhashay, wayna arkaan in aanay dawladu farogelin ku samayn doorashooyinkan waayo haday ku samayn lahaayeen shirgudoonka Iyo maayorada wadanka oo dhan bay qabsan lahaayeen sidii dawladihii ka horeeyay

Guusha ay Somaliland gaadhay Waxaa iska leh madaxweynaha qaranka ugu horayn, waxay taariikh wanaagsan u tahay madaxweynaha.

Ugu danbayn talo ku socota kulmiye.
Kulmiye waxa uu u baahan yahay inay qaladaadkooda saxaan si degdega, haddii kale xisbigaasi wuxuu marayaa oo cagta saaray dhabadii burburka

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Ahmed-Yasin Mohamed Jama
aymjama@hotmail.co.uk