Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay duruufaha ragaadinkara rajada laga filankaro Maayarka cusub iyo ku xigeenkiisa, kaddib kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyadda gollaha deegaanka Hrgeysa, wax yar kaddib markii saaka la doortay Maayarka cusub ee Caasimadda Cabdikariim Axmed Moogge iyo ku xigenkiisa Khadar Axmed Cumar oo ay weheliyaan xubnaha kale ee dhowaan kusoo baxay dooorashadii 31 May 2021.

Alt: Araweelo News Network,

Midig, Maayarka Cusub ee Caasimadda Cabdikariim Axmed Moogge iyo Maayar ku xigeenka Khadar Axmed Cumar bidix, kaddib markii ay xubnaha gollaha deegaanku doorteen , Image 17 Jun 2021, Araweelo News Network.

Madaxweyne Biixi iyo ku xigeenkiisa Cabdiaraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, ayaa 17-ka xubnood oo ay hoggaaminayaan Maayar Cabdikariim Moogge iyo ku xigeenkiisa ku qaabilay qasriga Madaxtooyadda, wuxuuna Madaxweynuhu ku hanbalyeeyay xilka loo doortay Maayarka iyo ku xigeenkiisa.

,“Dhammaanba qaranka oo dhan gollayaasha deegaanka ee soo baxay waan hambalyeynayaa, kuwa caasimaddana maaddaama oo aad ii dhawdihiin waan idin hambalyaynayaa, maayarka iyo ku-xigeenka la doortayna waan hambalyeynayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Kulankaa, wuxuu Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Bixii Cabdi xubnaha cusub kala hadlay hawlaha looga baahanyahay, isagoo ku adkeeyey inay isku duubnaadaan, isla markaana ka dheeraadaan wax kasta oo dhexdooda khilaaf gelin kara.

“Sidaa aad u wada socotaan ee quruxda badan oo qalbiga ah baa la idinka rabaa, 17-kiinnaa baa xilkii caasimadda Hargeysa la saaray, dadku way idiin coddeeyeen, way idiin soo daaleen, rejo badan bayna idinka qabaan, Ilaahay waxan ka baryayaa inay rejadaasi rumowdo oo idiin dhib yaraato, dardaarankayguna waxa weeye xilkaa idin fuulay waxaad ku gaadhi kartaan guul idinkoo u shaqeeya hab dawladeed, hab midaysan iyo hab xafiis oo aad u wada dhan tihiin, khilaafkiinnuna ha ahaado meelaha dooddaha dhexdiinna ah iyo shirarkiinna oo yaanu dibadda u bixin.”

Alt: Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha gollaha deegaanka Hargeysa, 17 Jun 2021, Araweelo News Network.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidoo kale xubnaha golaha deegaanka ku bogaadiyey isku-duubnidooda iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen, muddadii ay socotay hawsha kaanbaynka ee Maayarka iyo ku xigeenkiisa, isaga oo ka codsaday inay u midoobaan hawlaha adag ee horyaalla iyo filashada shacabkii soo doortay maskaxdooda ka guuxaysa, wallow Madaxweyne Biixi si dadban uga dar-daarweriyay waxa laga filayo gollaha deegaanka ee cusub iyo waxa horyaala.

“Maayarka waxa lagugu doortay cod aad u badan oo aan aduunka ka dhicin, ayaa lagugu taageeray, raja badan ayaa lagaa qabaa, waxaa dhaca rajada dadku filayaan iyo duruufaha dhabta ah ayaa is weydaarta, ha ku qali jabin, hana ku daalina, haddiise qorshe aad la timaadaan maalinba in la qabto way fiicantahay, annaguna dawlad ahaan waanu idin la shaqaynaynaa.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo la dardaarmayay Maayarka iyo ku xigeenkiisa cusub ee gollaha deegaanka Hargeysa oo ay weheliyaan xubnaha kale.

 

Madaxweyne ku xigeenka, wasiirka arrimaha gudaha, gudoomiyaha iyo ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex, xoghayaha gobolka iyo xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa madaxweynaha kulankan ku wehelinayey.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com