Araweelo News Network.

 

Alt: Araweelo News Network

Kulanka Wakiilllada Beesha Caalamka iyo Rooble 30 March 2021, Image Araweelo News Network.

Nairobi (ANN)-Daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya, ayaa ka hadlay aragtidooda xilligan ee Soomaaliya iyo shirka dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ugu furmay magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in shirka  ka socda Muqdisho ee Madaxdaa Dowladda Federaalka iyo dowlad gobolleedyada uu yahay fursad muhiim ah, isla markaana ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.

“Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka dhammaan madaxda dawladda Federaalka iyo madaxda maamul gobolleedyada iyo in ay ka qaybgalaan shirkaa, iyagoo aan wax shuruud  ah ku xidhin” ayaa lagu yidhi, warka qoraalka ah ee daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku bogaadiyeen qabashada shirkaa, waxayna xuseen in ay inay rajeynaynaan in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada.

 

“Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul gibolleedyada in ay tanaasul sameyaan si loo gaadho heshiis deg deg ah, isla markaana loo gaadho xal, iyadoo si dhakhso ah loo qorsheeyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17kii Sebtember.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Dalalka  beesha caalamka ee wadajirka usoo saaray, war qoraalka ayaa kala ah,  Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com