Araweelo News Network.

Agaasime Dhidar Oo Hore Looga Eryay Madaarka wuxuu mar kale fursad ka helay Wasaaradda Warfaafinta .

Dawladnimadu waa howl wadareed bulsho kala duwan ay si wada jir ah u qabtaan, iyadoo halka laga unko dawladnnimadu ee dhidibada looga taagaa hay’adaha dowliga ah ay tahay Agaasinka maamulaya shaqada hay’addaas oo ah booska Agaasimaha guud ee hay’ad kasta.

Balse nasiib-darro dhibaatada Wasaaradda Warfaafinta & dhaqanka wacyi galinta Somaliland haysata ayaa ah in marba masuul aan khibrad iyo aqoon waayo aragnimo u lahayn arrimaha warbaahinta loo soo magacaabo, waana ta ka dhigtay in markasta uu yimaado khilaaf ka bilaabma lunsi hanti ummadeed oo ka dhex dhaca, iyo shaqaalaha wasaarada warfaafinta oo ugu dambayn sameeya kooxaysi iyo iska horkeen Caqabad ku noqda hannaanka xil gudasho ee shaqaallaha Wasaaradda Warfaafinta.

Inta la ogyahay Masuuliyiintii ugu horeeyey ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay Wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaa xilalkooda ku waayey qaarna xabsi ku galeen kadib markii ay ku kaceen falal musuqmaasuq oo baahsan iyo lunsiga cashuurta laga qaado shacabka masaakiinta ah, balse wuxuu musuq-maasuq noqday mid la caadaystay.

.

Wallow ay hore xilalkoodii ugu waayeen masuuliyiintii ugu sareeyay Wasaaradda Warfaafintu howl gal baadhiseed oo Hantidhowrku ka sameeyey Wasaaradda Warfaafinta , balse waxa keliya oo ciqaab looga dhigay in xilka laga qaado, halkii sharciga la horgeyn laaha.

Xaaladda xilligan ka taagan ee Wasaaradda Warfaafinta eeaan waxba ka duwanayn dariiqa masuuliyiintaa hore, waxaa sal u ah Agaasimaha guud ee wasaarada Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo ah shaqsi xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumada Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadii hore Madaxweyne siilaanyo, iyadoo uu kamid ahaa Shaqasiyaadkii ugu horeeyey ee Maareeyahii hore Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda ee Somaliland Capitan Cabdi Maxamed Rodol uu ka qaaday xilkii maamulaha Madaarka Cigaal, taas oo lala xidhiidhiyay musuq-maasuq ku tagrifal awooddeed

.Agaasime Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Dhidar), looga qaaday xilka ayaa  ahayd ficilo Musuq-maasuq iyo kala xulasho kooxaysi uu kula kacay shaqaalihii iyo saraakiishii madaarka Cigaal International airport, waana arrinta sababtay in qaar kamid ah Shaqaalihii madaarka Shaqada iska casilaan markii ay u dul qaadan waayeen tacadiyada uu kula kacay Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Dhidar) oo sida weerka u dhexgaaly shaqaalaha, isla markaana ku tallaabsaday lunsiga dhaqaalihii madaarka soo marayey, waxaana tallaabooyinka uu ku kacay xilligaa ay ka mid ahaa in isagoo isticmaalaya, isla markaana ka faa’idayanaya xilka iyo masuuliyada uu dadka kala soo dega badeecaddaha kala duwan Madaarka uu ku amri jiray shaqaalaha in aan wax cashuur ah laga qaadin si tuugo ahna loogu soo dhaafiyo, taas bedelkeedana ay sifo sharci darro ah kooxo isagu uu ka dhex sameystay shaqaallaha madaarka usoo dhaafiyaan xilliyo gaar ah.

Halka maamulaha madaarka Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo isaga ahaana lacago kala duwan uu ka qaadan jiray shaqsiyaadkaa uu sifaha sharciga xaaraanta ku ah ugu fuliyo agabka iyo xamuulka uga soo dega madaarka, una sameystay accounts u gaar ah iyo telefoono lacagta ugu yar ee loogu shubi jiray ay ahayd $500 ilaa $1000 oo aan ku dhicin qasnada dawlada.

Falalka noocaas ah iyo kuwo lamid ah oo sannado badan si hoose uu uga dhex waday madaarka hargeisa waxay sababeen inay soo dadajiyeen in si foolxun looga qaado mansabkii lagu aaminay, banaankana laga dhigo guud ahaan inuu wax shaqo ah ka qabto hay’ada madaarada jsl.

Shaqsiyada Agaasime Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo ah noocaas ayaa muddo kooban oo uu hayey xilka agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta somaliland  durba ka dhex bilaabay dhaqamadaa foosha xun ee hore looga suuliyey wasaarada, waxaana durba wax badani iska bedeleen shaqaalaha wasaarada warfaafinta oo masuuliyiintii isaga ka horeeyey ay si kalfuran ula macaamili jireen, uguna dhex ahaayeen qaybinta hawlaha shaqo iyo in si cadaalladi ku jirto loogu maamulo dhaqaale tiro badan oo dawladu ku bixiso soosaarka barnaamijayada kala duwan oo ugu jira dakhliga telefishanka qaranka somaliland, kana gaar ahaa ka wasaarada.

Dhanka kale, waxuu isku dayey in uu si badheedh ah jeebadda ugu shubto Lacago kala duwan oo kasoo baxa Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo loogu talo galay in maalmaha xuska qaranka si cadaallad ah loo gaadhsiiyo shaqaalaha Warbaahinta madaxa bannaan iyo kuwa dawlada  ee u soo jeedaa habeenkaasi baahinta wararka iyo xafladaha xusaska qaranka, inagoo tusaale usoo qaadan karna, xuskii qaran ee maalinta Madax banaanida qaran ee 26 june oo guud ahaan Warbaahinta somaliland si masuuliyad iyo milgo leh uga hawlgashay tabintiisa iyo gudbintiisa wararka iyo barnaamijyadii sida tooska ah uga socoday xuska maalinta qaran qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Agaasime Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Dhidar), ayaa ka badheedhay inuu jeebadda ku shubto dhaqaale kooban oo Madaxtooyada Somaliland usoo marisay Wasaarada Warfaafinta, si loogu maareeyo kharashaadka munaasibadahaa, kuwaas oo markii hore ay Madaxtooyada Somaliland lasoo marin jiray, balse ay wax soo gaadhi jireen wariyayaasha ku howlan tebinta xafladaha lagu xusayo habeenka Qaran ee 26 June ama 18 May, wallow markaaba uu jiray mad-madaw. .

Waxaanu si ka baxsan milgaha masuul xil haya uu isku dayay inuu iska horkeeno warbaahinta madaxa banaan ee  onlineka ah ama Websiteyada, isagoo si badheedha hadalo deelqaaf ah ugula kacay sheegayna inaaney dawladu u baahnayn guud ahaanba warbaahinta  Onlineka ah wax ay qaranka u qabtaana aannay jirin, iyadoo aynu ognahay in warbaahinta websiteda ay yihiin illlaha keliya ee laga daalacdo wararka iyo dhacdooyinka Somaliland, ee ku gudbiya Qoraal, Muuqaal iyo Maqal, isla markaana ay yihiin kaydadka keliya ee dhaxalka ah ee Magaca Somaliland dunida gaadhsiiyay, sidoo kalena ay yihiin Websiteda Marreeguhu halka ay warbaahinta reer galbeedka ee Somaliland wax qora ama, daraasaddaha la doonayo in wax lagaga oggaado qaranka Somaliland ay Marreegaha Websitedu yihiin kaydka keliya ee laga helo tixraacyda maclumaadka loo baahdo ee ay ku kaysan yihhiin taariikhda marxaladihii dhacdooyinkii soo ay soo martay Somaliland iyo waxyaabaha ku cusub ee dunidu indhaha ku hayso.

Sidoo kale, dhaqaalahaa loogu talo galay xuska maalinta qaran ee 26june uu fara-guudkood qaarkood ka gaadhsiiyey shaqaalaha warbaahinta qaranka, isagoo si badheedha dulmi cad kula kacay.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi,  isagoo guud ahaan u mahadcelinaya Shacabka doorashadii sida nabad galyada ah u dhacday  uu si gaara ugu mahadnaqay dadaalkii ay ka qaateen hawlihii doorashada Somaliland warbaahinta online-ka ah ee Mageeggaha (Websitets), kuwaas oo habeen iyo maalinba u taagan hawlaha qaranka Somaliland..

Guntii  iyo gebagebadii, waxaa hubaala in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamad Yuusuf (Dhidar) uu masuuliyadeedda yeelan doono khilaafka uu ka dhex abuurayo Warbaahinta Madaxa Bannnaan iyo dawladda Somaliland, haddii aanu Madaxwayne Madaxwayne Muuse Biixi tallaabada ku baboon ka qaadin, waxay arrintani noqonaysaa mid raali lagaga yahay oo hordhac u ah siyaasado kale iyo ujeedooyin lagu curyaaminayo warbaahinta qaranka iyo ta madaxa banaanba.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Qalinkii Cabdilaahi Siciid Yuusuf (Rodol)