Araweelo News Network.

#Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyay in ay muddo 24 saacadood ah ku dhawaaqayaan natiijada doorashooyinka Somaliland, kadib markii ay si nabadgelyo ah usoo dhammaadeen ee la xidhay goobbaha cod bixinta lixdii saacada Afrikada Bari.

Doorashooyinka ayaa si weyn loogu soo baxay oo dadweynuhu codkooda u dhibteen, waxayna ku dhammaadeen si nabad ah, wallow ay jireen cabshooyin dhinaca maamulka ah oo ka dhashay kadib markii ay dadka qaarkood la kulmeen mushkilado dhinaca farsamada iyo maamulka ah, kuwaas oo goobbihii ay ka codayn lahaayeen loo sheegay in aannay ku qornayn, sidaana ay ku waayeen meel codkooda ka dhiibtaan.

Ciladaha ayaa ku badnaa deegaamada gobolada Bariga gaar ahaan gobolka Sanaag oo dhawr deegaan oo kala duwan ay dadkii kusoo hungoobeen goobta ay markii hore iska diiwaan geliyeen, kadib markii laga waayay magacooda, isla markaana hawlwadeenada komishanka ee ku sugnaa goobbahaa ay xal u waayeen, iyadoo goobbaha qaarkood dad gaadhaya 100 qof oo goobtii ay ka codayn lahaayeen la waayay, halaka goobbaha kale qaarkood inta u dhaxaysa 50 ilaa 30, amma ugu yaraan 20 qof ku hungoobeen sidaana ku waayeen xaqii ay u lahaayeen in ay codkooda dhiibtaan.

Qaar ka mid ah dadka la kulmay mushkiladaa oo lasoo xidhiidhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa sheegay in markii ay la kulmeen arrintaa, isla markaana hawlwadeenada goobta ee Komishanku markii hore ku maaweeliyeen in ay arrintaa la socdosiinayan kormeerka, balse ay wax kormeer ah soo mari waayeen goobbahaa ee ay xal u waayeen hawlweenada maamulayay goobta ee Komishanku ay dadkaasu go’aansadeen in codkooda ku waayaan sidaa iyagoo ka eegaya dhinaca nabadgelyada iyo aannay dhibaato ku noqon doorashada, waxayse ku baaqeen in la sameeyo la xisaabtan sida ay arrimahaasu u dhaceen ee ay ku waayeen xaqii ay u lahaayeen in ay codkooda ku dhiibtaan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac), ayaa sheegay inay muddo 24 saac gudahood ah ay ku heli doonaan natiijada Hor-dhaca ah ee Doorashada Gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada Somaliland, balse ay natiijada rasmiga ahi qaadanayso muddo toddobaaddo ah.

 

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in inkasta oo tirada codbixiyeyaasha la diiwaangeliyey ee doorashada ka qayb-qaadanayaa ka badan yihiin tirada dadkii codeeyey doorashooyinkii hore, balse ay komishan ahaan  kalsooni buuxda ku qabaan inay natiijada hordhaca ah ku soo saarayaan muddo 24 saacaadood ah.

 

“Doorashooyinkan Hal milyan iyo ka badan ayaynu rejaynaynaa inay coddeeyaan, waxay u baahantahay in fursad loo helo in saxo tirinteedu. Haddii aannu culays badan jirin, Waxaanu rejaynaynaa oo ku kalsoonnahay muddo Afar iyo labaatan saacadood ah in lagu heli doono natiijada hordhaca ah ee degmooyinka.” Ayuu yidhi, balse wuxuu xusay in natiijada gobollada aannay cayimi karin.

 

“Natiijada kama dambaysta ahna runtii toos uma cayimi karno, laakiin sida qiyaasta komishanku qaadanayaa tahay, Toban casho iyo wixii ka yar inay qaadato ayaanu rajaynaynaa, waxayse ku xidhnaan doontaa umadda codaysay oo aynu oggaan doono ilaa Berri. Markaa Komishanku wuxuu diyaar u yahay in sida ugu dhakhsaha badan loo helo natiijooyinka si loogu dhawaaqno.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland, Cabdirashiid Riyaraac.

Doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada, waxaa loo qorsheeyay inay ka dhacaan 2,709 goobood oo codbixinta dalka oo dhan ah, iyadoo ka dhacday 23 degmo, isla markaana 30,000 oo shaqaale codbixiyayaal ah ayaa ka shaqaynayay doorashada, waxaana la filayaa in ay codkooda dhiibtaan, 1,065,840 codbixiye, sida ku cad diiwaanada rasmiga ah ee ay soo saareen Guddiga doorashooyinka Somalialnd, (NEC).

798 murashax oo ka kala socda saddexda xisbi ee WADDANI, KULMIYE iyo UCID, doorashooyinka May 31, 2021, iyadoo ay u tartamayaan 552 ka mid ahi u tartamayaan gollayaasha deegaanka oo 23 Degmo.

Sidoo kale, doorashada, waxa ku tartamaya musharixiinta Somaliland ee wakiilada 246, kuwaas oo laga doonayo n lagu doorto 82 xubnood oo gollaha wakiillada cusub ee Somaliland ah, wuxuuna noqonaya gollihii wakiillada ee si toos ah ay shacbigu usoo doortaan tan iyo 2005.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com