Araweelo News Network.

#Hargeysa(ANN)-Guddida #Doorashooyinka Qaranka #Somaliland, ayaa ugu baaqay axsaabta qaranka in ay u hoggaansamaan shuruucda iyo anshaxa, isla markaana ay ixtiraamaan xeerka anshaxa iyo xeerarka kale ee dalka.

Sidoo kale, waxay murrashaxiinta ugu baaqeen in ay ilaaliyaan anshaxa iyo akhlaaqiyaadka oo ay dhawraan nidaamka doorashada, waxayna sidaa ku sheegeen guddidu doorashooyinka Qaranku war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskooda caawa.

War-saxaafaeedka kasoo baxay xafiiska Guddida heer qaran ee doorashooyinka oo uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha Guddida, Cabdirashiid Riyaraac, ayaa lagu xaqiijiyay in lixdii maalmood ee Ololaha Xsibiyada iyo murrashaxiintu maanta oo taariikhdu tahay 28 May 2021, ku ekayd sidaana lagu soo gunnaanaday.

Qoraal saxaafadeedka Guddida ayaa ahaa sidan:-

 

Alt: Araweelo News Network

News Network.

info@araweelonews.com