Araweelo News Network.

#800 oo ay ku jiraan Dad #Naafada oo noqonaya Goob-joogayaal ayaa tababaro Uga furmeen dalka oo dhan

#Hargeysa(ANN)-Gobollada Dalka oo dhan ayaa maanta laga furay tababar ay Dallada ay ku bahoobeen Ururada aan dawliga aheyn ee SONSAF maanta  u qabatay sideed boqol oo qof (800) , kuwaas oo noqonaya goob-joogayaasha maxaliga ah ee doorashooyinka isku sidkan Wakiillada iyo gollayaasha Deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan 31 May 2021 oo ku beegan maalinta Isniinta.

Alt: Araweelo News Network

Tababarayaasha Tababarka goob-joogayaasha Maxaliga ee doorashooyinak Somaliland, Image Araweelo News Network. 28 May 2021.

Tababarada oo ka bilaabmay Gobolada dalka Somaliland oodhan, isla markaana socon doona muddo laba maal-mood ah,ayaa waxa goob-joogayaasha lagu tababari doona Xeerarka iyo hannaanka doorashooyinka Somaliland,Waajibaadka iyo shaqada kor-joogayaasha maxaliga ah.

Tababarada, waxa bixinaya  48-tababare oo ay dhawaan tababartay Dallada SONSAF, si ay hawlaha doorashooyina qayb uga qaatan..

Alt: Araweelo News Network

Ka qaybgalayaasha Tababarka goob-joogayaasha Maxaliga ee doorashooyinak Somaliland, Image Araweelo News Network. 28 May 2021.

“Tababarkan ayaa goob-joogayaasha Maxaliga ah lagu tababari doonaa Xeerarka iyo nidaamka doorashooyinka Somaliland iyo doorka ay ku leeyihiin kor-joogayaasha maxaliga ahi doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka. Waxaanay Sideedaa boqol (800) ee korjoogayaasha maxaliga ahi ka hawl-geli doonaan maalinta doorashada sideed boqol oo ka mida goobaha doorashooyinku ka qabsoomayaan”Sidaa waxa yidhi Aqoonyahan Jaamac Ibraahim Cawad oo ka mid ahaa khubaradii bixinayay tababarka.

Jaamac Ibraahim Cawad oo sharaxaya ujeeddada tababarka ayaa yidhi “Maalinta kowaad ee tababarka waxa lagu baranayay Xeerarka iyo nidaamka doorashooyinka Somaliland, maalinta labaad ee beritana (Sabti) waxa lagu baran doona uruurinta Xogta doorashooyinka, iyada oo la isticmaalayo agabka loo yaqaano Office Data Kit (ODK) oo ah aalad ay xogaha doorashooyinka ku soo gudbin doonaan kor-joogayaasha maxaliga ahi maalinta doorashada.Kor-joogayaasha maxaliga ahi waxay ka kala yimaadeen Ururada bulshada rayidka ah ee xubnaha ka ah Dallada SONSAF ee ay ka mid yihiin, NAGAAD, SONYO, SOLJA, SNDF, iyo qaar kale oo baddan….”.Ayuu yidhi.

Tababarkan ayaa waxa ka taageeraya Dallada SONSAF midowga Yurub iyo hay’adaha kale ee ay wada shaqeynta la leeyihiin.

Waa markii ugu horeysay ee tiradii ugu badnayd ee dad naafa ahi ka qeybgalaan hawlaha kor-joogayaasha maxaliga ah ee ay SONSAF hormuudka ka tahay.

Waxaanay kor-joogayaasha maxaliga ahi wax weyn ka tari doonaan kobcinta iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyaadeed ee Somaliland.

Alt: Araweelo News Network

Ka qaybgalayaasha Tababarka goob-joogayaasha Maxaliga ee doorashooyinak Somaliland, Image Araweelo News Network. 28 May 2021.

Maaha Markii ugu horeysay ee ay Dallada SONSAF qabato hawlo la xidhiidha hannaanka qabsoomida doorashooyinka, ee waxay hore uag soo qayb qaateen hawlaha Doorashooyinka.

Waxa kale oo la filayaa inay Dallada SONSAF hawl-geliso Kormeerayaal maxaliya oo isugu jira heer qaran iyo heer gobol, kuwaas oo kor-meeri doona sida habsimada ah ee ay doorashadu u socoto maalinta Coddaynta 31 MAY. 2021.

News Network.

info@araweelonews.com