Araweelo News Network.

 

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Jimce ah booqday  Dugsiga Carbiska Tababarka Shaqo Qaran  ee ku yaal Darar-weyne oo ah duleedka Woqooyi bari ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo Madaxweynuhu kula qado karsaday Dufcadda saddexaad ee Barnaamijka shaqo qaran ee ku jira halkaa.

Alt: Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo saf ugu jira Qadada kaddib markii uu booqday dhalinyaradda Dugsiga Carbiska shaqa qaran ee Dararweyne 18 Jun 2021, Image Araweelo News Network.

Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyey heerka ay marayso dufcadii saddexaad ee shaqo qaran oo dhawaan qalin-jebin doonta, wuxuuna amaanay dhalinyarada ku jirta carbiska.

Madaxweyne Biixi, ayaa dhalinyaradda u jeediyey Khudbad muhiima oo la xidhiidha ahmiyada  laga leeyahay in qarankan ay u soo baxaan dhalinyaro fahamsan qiimaha waddaniyada. “Waxaan aad iyo aad idiinku hambalyaynayaa dhalinyaradda  shaqa qaran ee tababarka ku jirta inaad doorateen inaad dalkiina u shaqaysaan, taasoo ka makhraati kacaysa inaad tihiin da’a yar dalkooda jecel oo dantooda ka horumariyay  ta dalka, oo qaatay oo diyaar u tihiin inaad dalkiina mustaqbalka u shaqaysaan.”

Madaxweyne Bixii, wuxuu sheegay in muddadii xannuunku jiray qaabka ay ugu adkaysteen uu ku hanbalyaynayo, ee ay u adkaysteen, isagoo yidhi, “Muddadii  xannuunka Coronavirus jiray waxaad muujiseen dul qaad iyo innaad caafimaadkiina ilaaliseen iyo madaxda xerada oo iyaguna diiday cid idiin soo gasha oo dayrka soo dhaafta,  taasoo Waalidkiin, Saaxiibadiin iyo xaasaskiinii inaad intaa ka xidhnaydeen samirka aad u qaadateena waan idinku hambalyaynayaa”.

Alt: Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo la qadaynaya dhalinyaradda Dugsiga Carbiska shaqa qaran ee Dararweyne 18 Jun 2021, Image Araweelo News Network.

Sidoo kale, Madaxweyne Buuxi, wuxuu ka hadlay ujeedada booqashadisia, isagoo yidhi, “Maanta waa Jimce waxaan u nimi inaan wada qadayno oo wada joogno , shaqa qaran waad akhrideen waa laydinka horeeyey, waad ogtihiin waxaad qabanaysaan, Xeradan Allah haka abaal mariyee waxaa dhisay Ciiddanka Qaranka, iyagaa bilaabay qorshaha iyagaa lahaa duruusta lagu dhigaayo iyo falsafada ka danbaysa oo dhana iyagaa lahaa.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

 

Wuxuu sheegay in barnaaimja Shaqa qaran aannu ahayn dhalinyarada oo qudha, balse loogu tallo galay oo loo sameeyey Hoolalka ka dhisan, Qalabka yaal  iyo adeeggyada si ay u noqoto in qaranka oo dhan lagu tababaro, ciddkasta oo hawsha qaranka u tababaranaysa, Wasaaraddaha Akadamiyaddo, Ciiddamada, sidaa awgeed ay halakan tahay Saldhiga Akaadamiyada ee isku xidha qaranka, sidoo kale door ka qaata dawladd wanaaga iyo wadaniyada (Civil Education), sidaa awgeed la doodanyo in ay  mustaqbalka noqoto meesha dawladnimada iyo sharciga dadka lagu baro.

Madaxweynaha, ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Barnaamijka Shaqa Qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), isagoo yidhi, “Muddo gaaban waynu arkaynaa Allah mahadii dhismaha inoo hirgalay iyo adeega inoo hirgalay iyo inta ay leedahay,”, ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo sheegay in mustaqbalka dhaw uu filayo in kumanaan isdaba joogaa kasoo baxaan, isagoo ku dadkii aqoonta weyn u lahaa Ciiddamada ee qorshahaa dheer inoo dejiyey iyo dhalinyaradii kasoo qeyb gashay ee u horeeyey iyo Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran, oo sida uu sheegay keenay hoggaamin aad iyo aad u wanaagsan intii uu masuulka ka ahaa, taas oo isagana u ah sharaf.

 

Madaxeynuhu waxa u sheegay in tiro hablo ahi galeen saraakiisha Ciidamada kala duwan balse hadda loo baahan yahay in Hablaha leh Xirfada Caafimaadku ay galaan Saraakiisha Ciidamada “ Tiro hablo ah ayaa waagii dhawayd ciidamada galay, waxaa aan aad ugu faraxsanahay inay Hablo aad u badani diyaar u yihiin inay saraakiil noqdaan oo ciidamada galaan, waxaan idiin sheegayaa Hablaha shaqa qaran ciidamada qaranka ee kala duwan waxay u baahan yihiin hablo saraakiil laga dhigo oo  leh aqoonta Caafimaadka , xirfada caafimaadka wixii gabadh yaqaana ee Jaamacad ka baxday sarkaal iyadoo noqonaysa tababar yar maraysa, waayo hablihii xirfada caafimaadka aad iyo aad bay ugu wanaagsanaadeen waana loo boggay”. Ayuu yidhi, Madaxweynuhu.

 

Madaxweyne Biixi markaa kaddib, waxay isaga iyo saraakiisha la socotay waxay sallaada Jimcaha la tukadeen dhaliyarada shaqa qaran, waxayna markii laga soo baxay salaada safafka la galeen dhalinyaradda si ay ula qadeeyaan.

 

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com