Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)- 61sannadood kaddib xoriyaddii Somaliland, ayaa xalay lagu xusay Munaasibad si weyn loo agaasimay, taas oo lagu xusayo sanadguuradii 61aad ee kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyada qadaatay Boqortooyadii midawday ee United Kingdom, 26 Jun 1960-kii,

Munaasibada oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, xalay oo ku beeganayd habeenkii geriyiga dhulka Soomaalidu degto laga saaray caalnkii u horeeyay xorriyadda 26 Jun 1960, waxaana ka qaybgalay shirgudoonka labada golle ee Guurtida iyo Wakiillada oo khudbado ka jeediyay, sidoo kale, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran, gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Diblamaasiyiin ka socday dalalka Britain, Ethiopia, Kenya, Taiwan iyo marti sharaf kale.

munaasibadda xuska 61guurada 26 Jun 1960, Image Araweelo News Network, 26 Jun 2021.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu ka jeediyay dkaga hadlay qiimaha munaasibada maalintaa, isagoo ka waramay marxaladihii ay Somaliland u soo martay xornimo doonkii ay ku guulaysatay 26kii June 1960kii, waxaanu tilmaamay inay noqotay halkii laga dhidbay calankii ugu horreeyey ee Soomaalidu yeelato.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu horeyn ku hambalyeeyey shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba Munaasibada 61 Guurada markii ay JSL Gobonimadeeda ka qaadatay Boqortooyada Midawday ee Britain. Sidoo kale, wuxuu ka hadlay soddonkii sannadood ee ay Somaliland jirtay kaddib markii ay lasoo noqotay xorriyadeeda waxayaabaha ay qabsatay.

 

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in dalkiisu uu ku naaloonayo nabad, horumar iyo qaranimo taabogal ah 30- kii sannadood oo uu madax-bannaanidiisa kala soo noqday dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, isagoo Madaxweyne Biixi sharaxay hadimooyinka Dawladda Muqdisho u soohaysay Somaliland muddo rubuc qarni ah.

Balse, waxa uu sheegay in xilligan Jamhuuriyadda Somaliland ku naaloonay xasilooni, dimuqraadiyad iyo hrumar ay dunidu ku majeeratay soddonkaa sannadood oo Soomaaliya ay qaraxyo , collaado iyo dhibaatooyin iyo hirdan dagaalo ku foognayd. Sidaa awgeed ay tahay qaran dhmaystiray dhammaan shuruudihii looga baahnaa, balse ay dunidu ka caga-jiiday in ay aqoonsato Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, wuxuu tusaale usoo qaatay in Somaliland Muddadii ay Madaxbannaanideeda la soo noqotay ay qabatay 7 Doorasho oo Xor iyo Xalaal ah,  isla markaana ay Sadex madaxweyne hab dimuquraadi ah isku bedeleen oo xukunka si nabadgelyo ah isugu warejiyeen, halka Sidoo kalena ay Laba gole Wakiilo iyo saddex doorasho oo gollayaal deegaan qof iyo codkii ah ay isku bedeleen, kuwaas oo ay ku jiraan doorashaooyinka ka qabsoomay geyiga Somaliland, 31 May 2021.

 

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com