Araweelo News Network.

 

Boorama(ANN)-Murrashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa xukuumadda Somaliland, ayaa ka digay iin xukuumaddu faragelin ku samayso doorashada Maayarka Boorama.

wuxuuna, ku dhaliilayxukuumadda dib u dhigista fadhigii gollaha deegaanka cusub ee Boorama oo dib loo dhigay, kaddib markii uu baaqday fadhigaa oo la filayay in maanta uu qabsoomo.

Maxamed Cali Aw Cabdi, oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI,  wuxuu mar uu maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Boorama sheegay in xukuumadda iyo wasaaradda arrimaha guddaha looga fadhiyo sababta dib loogu dhigay fadhiga gollaha deegaanka ee Boorama oo la doonayay in lagu doorto Maayar iyo Maayar ku xigeen.

“ Waxan halkan ku hayaa jedwalkii ay wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland soo saartay 13 Jun, Berbera shalay ayaa la doortay, Boorama waxa la ansixiyay 14 Jun 2021,  wasiirka arrimaha gudduhu wuxuu saxeexay oo u muddeeyay in 16 Jun 2021, oo ahayd maanta loo qabto fadhigii, waxayna 13-ka xubnood ee cusub ee gollaha deegaanka Boorama saaka yimaadaan si nabadgelyo ah xarunta dawladda hoose oo Badhasaabkii iyo masuuliyiinta axsaabtu xaadir ku ahaayeen, waxaase markii la dhaariyay oo la filayay in ay fadhigooda qabsadaan oo diyaar loo ahaa ay soo baxday in dib loogu dhigay maalinta beri 17, Jun 2021, mana jirin sabab loo cuskaday.” Ayuu yidhi.

Murrashaxa Xisbiga WADDANI ee Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi, wuxuu sheegay in ay arrintaa dib u dhiga fadhiga gollaha deegaanka Boorama abuurtay dareen kale, isagoo xusay in ay muuqato in lagu hakiyay oo dib loogu dhigay fadhigaa amar kasoo baxay wasaaradda Arrimaha guddaha Somaliland.

Alt: Araweelo News Network.

Murrashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Maxamed Cali Aw Cabdi iyo saraakiisha kale ee mucaaradka, Image Araweelo News Network, 16 Jun 2021.

“Arrintani waxay kicisay dareen, doorashadu waxay leedahay nidaam, dimuqraadiayaduna ixtiraam iyo nidaam ayay leedahay, qofka la dooranayo iyo ka wax dooranayaba waa in ay xor noqdaan, meesha lagu dooranayo iyo sida loo dooranayo, maanu fahmin sababta loo yidhi, “Dib ayaa loo dhigay”, waana in la ixtiraamaa xildhibaanada in ay qofkay doonaan soo doortaan, mana aha in qof aannay rabin lagu khasbo, sababta dib loogu dhigayna gobolka iyo Degmadaba dareen ayay kicisay, waxaanuna dareenkaa la  wadaaggaynaa dadka Somaliland, ma garanayno  sababta ay arrintaasi uga dhacday oo keliya Boorama, waana in aannay xukuumaddu maalinta beri wax faragelin ah ku samayn oo xildhibaanadu si xor ah isu doortaan.” Ayuu yidhi, Maxamed Cali.

Dhinaca kale, arrintan ayaa kusoo beegantay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in sababta dib loogu dhigay fadhiga ay ka dhalatay markii ay xukuumaddu dareentay in Isbaahysiga Mucaaradka oo laga hiray Maayarka Berbera oo hore ugu qorshaynaa in ay ku fadhiistaan sida ay maalmihii lasoo dhaafay shaaciyeen, kaddib heshiis ay ku qaybsadeen kuraasta Maayaradda iyo shirgudoonka gollaha wakiillada oo weli loollan iyo kaanbayn loogu jiro, iyadoo xilligana qorshaynay sidii ay Maayarka Boorama uga riixan lahayd isbahaysiga mucaaradka ee WADDANI iyo UCID, iyadoo Magaalada Boorama ay ku sugan yihiin saraakiil xukuumadda ka tirsan oo ka shaqaynaya loollanka Maayarka iyo Maayar ku xigeenka.

 

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com