Araweelo News Network.

 

Berbera(ANN)-Gollaha Deegaanka ee Magaalada Berbera, ayaa dib loogu doortay Maayarkii hore Cabdishakuur Maxamed Ciddin, kadib markii uu ku guulaystay coadadka 8 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha golla deegaanka oo ka kooban 13 xuldhibaan.

Cabdishakuur Ciddin, waxa la tartamay xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf uu helay saddex xildhibaan, Maayar ku xigeenka oo ay ku tartameen Aadan Dheere iyo xildhibaan Nuur Candi jaamac ( Nuur Cadde), waxaana ku guulaystay Nuur oo helay 7 cod.

#Somalialnd: Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Muujiyay Wer-werka Xukuumaddu Ka Qabto #Berbera Xilli #Loollan Adag Uu Ka Jiro Kursiga Maayarka

Fadhiga lagu dooranayay Maayarka iyo Maayar ku xigeenka, waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, oo shaaly markii la ansixiyay  farriin adag oo dar-daaran ah u jeediyay xildhibaanada gollaha deegaanka ee Berbera iyo sidoo kale, Wasiirka  Gaadiidka iyo waddooyinka Cabdullaahi Abokor iyo Badhasaabka gobolka Saaxil,  Axmed Xaashi iyo masuuliyiin kale.

Fadhiga lagu doortay Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Bebera ,15 Jun 2021, Image Araweelo News Network.

Doorashada  xildhibaanada gollaha deegaanka Berbera ee mar kale lagu doortay in Maayarka Berbera uu noqdo Cabdishakuur Maxamed Ciddin iyo ku xigeenkiisa, waxa ka maqnaa   waxa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin, Wasiirka Gaadiidka iyo waddooyinka Cabdullaahi Abokor iyo Badhasaabka gobolka Saaxil,  Axmed Xaashi iyo masuuliyiin kale.

Hase yeeshee waxa aan kulankaa kasoo xaadirin laba xildhibaan oo ahaa  xildhibaan Maxamed Ibraahim ismaaciil (Dable) oo ka mid ah xildhibaanada kasoo baxay Xisbiga mucaaradka ee UCID, isla markaana loollan adag kula jiray Maayarka dib loo doortay Cabdiashakuur Maxamed Ciddin, iyadoo aan la oggayn sababta maqnaanshihiisa fadhiga.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin oo hadal uu ka jeediyay markii la doortay Maayarka iyo Maayar ku xigeenka ayaa hadal dar-daaran ah u jeediyay xildhibaanada, isagoo ku adkeeyay in ay ilaaliyaan dhaarta ay qaranka u dhaarteen.

 

Wasiirka Arrrimaha guddaha Maxamed Kaahin, ayaa shalay xusay in ay jirto xaallad sababtay in magaalada Berbera oo xukuumaddu ka wer-wersantahay loollanka loogu jiro kursiga Maayarka ay sababtay in la geeyo ciiddamo badan, isagoo yidhi, “Waad aragteen Degmada waxa lagu soo xoojiyay ciiddamo aan hore u joogin, iskama iman ee wer-werkeeda ayay leedahay, annagana taas ayaa na keentay oo kuwii kale umma socono hadda.”

Dhinaca kale, waxa doorashada Maayarkii hore ee Berbera, Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin), ayaa ka mid ah xildhibaanada kasoo baxay xisbiga KULMIYE, halka ku xigeenka Maayarka ee la doortay Nuur Cadde kasoo baxay Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, waxaana meesha ka baxay  Maxamed Ibraahim ismaaciil (Dable) oo ka mid ah xildhibaanada kasoo baxay Xisbiga mucaaradka ee UCID,  oo si weyn ugu taamayay inuu noqdo Maayarka , isla markaana loollan adag ku hayay Maayar Cabdishakuur Ciddin.

Labada  xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI, oo guul weyn ka gaadhay doorashooyinka isku lamaanaa ee gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada Somaliland ee dalka ka dhacday 31 May 2021, ayaa heshiis ay  wada gaadheen, kaddib isbanahsysi ay sameeyeen hore u sheegay  in ay qaysanaayaan sidii ay shirgudoonka wakiillada iyo Maayaradda Dalka ula wareegi lahaayeen, balse waxa  muuqata sida wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin qiray in Magaalada Berbera  ay xukuumaddu ka qabtay wer-wer weyn, ay sababtay culays la saaray loollanka Maayarka, taas oo meesha ka saartay xildhibaan Dable oo ka tirsanaa xisbiga Mucaaradka ee UCID, inuu daaqada baxap, isla markaana aannu kasoo xaadirin fadhiga lagu doortau Maayarla iyo Maayar ku xigeenka ee ka dhacay 15, Jun 2021.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com