Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Labada masuul ee ugu sareeya dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka heshiiyay markii u horaysay khilaaf muddo soo jiitamayay  u dhexeeyay.

Sidaa waxa lagu xaqiiyay war kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble, kaas oo xaqiiyay in wixii maanta ka danbeeya ay Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Rooble ka heshiiyeen khilaafkii u dhexeeyey.

Dhawrkii bilood ee u danbeeyay waxa labada masuul soo kaal dhexgalay khilaaf gaadhay meel adag oo sababay in ay ku murmaan awoodda, kaas oo sababay in masuuliyiin xilal laga qaado iyo kuwo la magcaabo midba midka kale ku eedeeyo in aannu awood u lahayn.

Hase yeeshee kulan xalay markii ugu horreysay ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Villa Somalia, ayaa lagu soo afjaray khilaafka soo jiitamayay dhawrkii bilood ee u danbeeyay.

Khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa abuuray cabsi xoog leh iyo walaac laga muujinayo in ay sii xumaato xasilloonida Soomaaliya, kaas oo ka dhex dilaacay xilli ay dalka dunidu ku duduucayso doorashada waqtigeeda dib uga dhacday.

Labada massuul, waxa si weyn khilaafkoodu usoo ifbaxay markii ay soo baxday haweenay magaceedu ahaa Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd sirdoonka NISA, taas oo geeri iyo nolol mid ay tahay la waayay raq iyo ruux, isla markaana lagu eedeeyay hay’adda ay ka tirsanayd ee sirdoonka, iyadoo Taliyihii Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee Fahad Yaasiin xilkiisa ku waayay haweenaydaa oo isaga si gaar ah loogu eedeeyay.

Arrintaa, ayaa sababtay in ra’iisal wasaare Rooble xilka ka qaado Taliye Fahad, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ku gacan saydhay, wallow markii danbe Fahad Yaasiin Madaxweyne Farmaajo u magcaabay La Taliyaha dhanka amniga ee xafiiska Madaxweynaha, halka masuul kale loo magcaabay Hay’adda NISA.

Madaxweyne Farmaajo ayaa oggolaaday in  xilligan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ra’iisal wasaare Rooble hore  u magacaabay uu ahaado wasiirka amniga, taas oo ahayd magcaabis ay madaxtooyadu ay horay u diidday.

sidoo kale, waxa lagu heshiiyay in Bashiir Goobe oo hore ra’iisal wasaaruhu ugu magacaabay taliyaha nabadsugidda loo magacaabi doono wasiiru dowle.

Ra’iisal wasaaraha ayaa taa badelkeeda oggolaaday in Yasiin Faray oo Madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay sii hayaha taliyaha nabad sugidda ee Hay’adda NISA, uu sii ahaado taliyaha ku meel gaadhka  ah ee hay’adda NISA inta madaxweynuhu uu soo magacaabayo taliye cusub.

Heshiiska xilligan, ayaa la rumaysan yahay inuu ka dhashay cadaadis labada masuul kaga yimi dibedda, iyadoo Madaxweynaha Galmudug, qoor-qoor, hore ugu guuldaraysatay inuu Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Rooble heshiisiiyo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.