#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Xisbiga ugu weyn Mucaaaradka ee WADDANI, ayaa weli ku mashuulsan mawqifkii ay ka qaadan lahaayeen go’aanka guddida doorashooyinka Somaliland Isniintii ku shaaciyeen jedwalka doorashooyinka iyo xilliga la qabanayo, iyagoo ku sheegay go’aankooda in doorashada Ururrada oo dhacaysa Desember 2023 kasoo horaynay doorashada Madaxtooyadda.

Go’aanka ayaa sababay in labada xubnood ee Guddida Doorashooyinka u metelayay labada Xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, ganafka ku dhuftaan, waxaana si weyn loogu dheg-taagayay mawqifka labada Xisbi ee go’aanka guddida doorashooyinku u asteeyeen doorashooyinka iyo sida look ala hormarinayo.

Dhawaaqyo kasoo baxay sarakiisha Xisbiga WADDANI, saacadihii lasoo dhaafay, ayaa abuuray doodo iyo shaki weyn oo muujinaya innay jirto kala qaybsanaan Xisbiga dhexdiisa ah oo la xidhiidha mawqifkooda arrimaha doorashooyinka iyo go’aanka guddida doorashooyinka.

Hase yeeshee Guddoomiyaha WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku sugan dalka Britain, ayaa su’aalo la xidhiidha arrintaa taageerayaasha xisbigu ku weydiiyeen Twiterka, wuxuuna ku dooday in aannay waxba ka jirin wararka sheegaya in ay arrinta Xisbi ahaan ku kala qaybsan yihiin.

Guddoomiye Xirsi, ayaa sheegay in Xisbiga ay shirar u socdaan, isla markaana aannay jirin wax ay isku khilaafsan yihiin isaga (Guddoomiye Xirsi ) iyo Murrashaxa Xisbiga Cabdiraxmaan Cirro, “Annigu London ayaan joogaa safar ayaan ku jiraa, Xisbiga maamulkiisii, hoggaamkiisii iyo murrashaxiisii waxay joogaan dalkii  siday igu wargeliyeena shir ayay maanta lahaayeen (Salaasa 18 July 2023), go’aanka xisbiguna wuxuu noqonayaa wixii shirkaa kasoo baxa, wuxuun go’aanku qaadan karaa maalin iyo laba, wuxuuna soo saari doonaa go’aan masiiri ah oo uu ku tixgelinayo waayaha iyo wacyiga jira, hana layska ilaaliyo wararka qaranimada wax yeelaya, anniguna safar ayaan ku maqanahay ee ragga jooga ayaa talladii haya, talladuna ma qaybsana wayna soo bixi doontaa” ayuu yidhi, Guddoomiye Xirsi oo iska riixay arrimahaa.

Laxidhiidha: Guddida Doorashooyinka Oo Soo Saaray Go’aan Malaawaal Ah Oo Tilmaamaya Sida Loo Kala Horaysiinayo Doorashooyinka Lagu Murransanaa

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com