Araweelo News Network.

#TPLF Oo Qabsatay Deegaamo Muhiim u Ah Dagaalka Oo Deegaanka Canfarta ah

Addis Ababa(ANN)-Xaallada collaada ka aloosan dalka Ethiopia, ayaa walaac iyo cabsi ka abuurtay gobolka, iyadoo dagaalyahanka Tigray TPLF iyo TDF, ay qabasadeen saddex degmo oo gobolka Canfarta ee ay xadka wadaagaan maalmihii lasoo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof oo rayid ah ay ku dhinteen halkaa, isla markaana kumanaa qof ay ka qaxeen guryahooda, kaddib dagaalo culus oo dhexmaraya TPLF iyo xooggaga ciidamada dowladda Ethiopia oo kaashanaya malayshiyaad iyo kuwa maamulada Amxaarada iyo kuwo kale.

Dadka deegaanka, ayaa wakaaladdaha wararka qaarkood u xaqiijiyay qabsashada saddex deegaan oo ka mid ah deegaamada Canfarta in ay gebi ahaanba la wareegeen TPLF iyo ciidankooda TDF (Tigray Defense Forces (TDF), sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah maamulka gobolka Canfarta.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxda TPLF, doonayaan in ay gooyaan dariiqa dhuuniga ugu badan usoo maro dalka Ethiopia ee aan dekedda lahayn, kaas oo sahaydka iyo saadka ugu badan kala soo dega dekedda ay jaarka yihiin ee dalka yare e Djibouti, isla markaana dariiqa ahmiyada weyn ee isku xidha labada dal uu ku yaal deegaanka Canfarta.

 

Arrintan ayaa si weyn cabsida dagaalka kor ugu qaaday, waxaana jiray warar sheegaya in xukuumadda Djibouti ay ciidamo u dirtay xadka ay la wadaagto Ethiopia, si ay u caawiyaan haddii loo baahdo xukuumadda Addis Ababa oo qaylo dhaan u diraysay maalmahanba maamulada Ethiopia.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in xukuumadda Madaxweyne Geelle ee Djibouti si weyn uga cabsanay in dagaalku kusoo fido, isla markaana ay kusoo fatahaan dadka ka carayaya dagaalka ee qowmiyadaha Ethiopia, wallow ay dawladda Djibouti dafirtay wararka sheegaya in ay ciidamo u dirtay Ethiopia.

 

Afhayeen u hadlay TPLF, ayaa ku sheegay bartiisa Twitter-ka in jabhadda TPLF aannay dagaal kula jirin dadka Cafarta ama maleeshiyadooda, laakiin ay la dagaalamayaan hoggaamiyeyaasha Ethiopia, balse

Saraakiisha ciidanka Ethiopia, ayaa sheegaya in ay burburiyeen xoogaggii Tigray ee TDF, kuwaas oo sida ay sheegeen ahaa kuwii soo weeraray deegaanka Canfarta.

Dhinaca akle, ma jiraan warar madax banaan si dhab ah u xaqiijinaya waxa ka socda deegaanka iyo xaaladda dhabta ah, iyadoo isgaadhsiintu ay gebi ahaanba ka go’anayd dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay deegaanka Tigary iyo meelo kale oo gobolka ah.

Waxaase jira cabsi si weyn looga dareemayo gobolka oo dhan, iyadoo laga walaacsan yahay in dagaalku uu ku faafo markan ilaa dalka Djibouiti ee ay deriska yihiin Ethiopia, isla markaana magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia oo maalmihii lasoo dhaafay la xidh xidhay boqollaal qof iyo xarumo warbaahineed, wallow warbaahinta qaarkood xoriyadooda loo celiyay shalay, ayaa laga cabsi qabaa in ay go’doomiyaan TDF, balse xukuumadda Abiy Ahmed oo si weyn uga qaylisay xaaladda, ayaa abaabushay dhankeedka kumanaa malayshiyaad iyo ciidamo isugu jira oo ay doonay on mar kale lagu hujuumo Tigray si looga hortago ka hor inta aannay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ugu soo gelin Addis Ababa.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay kooxda TPLF iyo TDF ay qabsadeen deegaamo baddan oo muhiim ah, kuwaas oo malayshiyaad amxaaro ah laga caydhiyay, waxayna maamulka Amxaaradu qayladhaan u direen maamulada gobolka ee dhigooda ah iyo dawladda dhexe ee Federaalka iyagoo ku qaylinaya in laga soo gaadho duulaan ay sheegeen in ay kusoo qaadeen TPLF.

Ethiopia: Maamulka Soomaalida Oo Ka Jawaabay Qayla-dhaanta Amxaaradu Kaga Dalbatay Ciidamado Ka Baaciya TPLF

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, ayaa dhankiisa ku tilmaamay TPLF xannuunka “Kansarka” ee dalka Ethiopia, wuxuuna ku baaqay in laga difaaco dalka oo laga jaro Ethiopia, wuxuuna ra’iisal wasaare Abiy abaabulay dagaal mar kale laga cabsiqabo inuu si ballaadhan ugu baaho gobolka oo dhan, taas oo walaac laga muujinayo sida ay xaalladu ku socoto iyo dhibaatooyinka xilliganba ka taagan Ethiopia ee collaada iyo macaluusha, waxayna si weyn uga digayaan Qaramada Midoobay iyo Hay’addaha Xuquuqda Aadamuhu sida ay wax u socdaan.

 

TPLF, ayaa dib u qabsatay gobolka kadib siddeed bilood oo ay dagaal kula jireen Ciidamadda Ethiopia, oo kaashanaya kuwa eriteria iyo malayshiyaad amxaaro iyo qowmiyado kale ah.

Dagaalyahanka Tigray Oo Duullaan Ku Ballaadhiyay Amxaarada Iyo Dhawaaqyo Guubaba Ah Oo Kasoo Baxaya Siyaasiyiinta

Dagaalka gobolka Tigray, ayaa si weyn u naafeeyay Ethiopia, wuxuuna wiiqay awoodda Ciidanka, isagoo dhinaca kale siyaasiyan u gu’doomiyay dagaalku dalkaa oo dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo nolloleed ka jireen, isla markaana wuxuu dagaalku sababay dhimashada kumanaan qof iyo in ay guryahooda ka qaxaan dhawr milyan oo qof, halka ay gargaar deg-deg ah u baahan yihiin ku dhowaad 4milyan oo kale.
Dagaalka oo markii hore socday muddo siddeed bilood ah, ayaa hadda dib uga bilaabmay gobolka, iyadoo laga cabsi qabo inuu ku fido gobolka, isla markaana u talaabo qowmiyadaha kale eek u nool dalka, kuwaas oo ku kala qaybsan dagaalka gobolka Tigray ee xilligan u gudbay labada qowmiyadood ee Amxaarada iyo Tigray, isla markaana durba saamaynta ku yeeshay nollosha malaayiin qof.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.