Araweelo News Network.

 

Nairobi (ANN)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in meesha laga saaray khilaafkii siyaasadeed ee muddada soo jiitamayay oo u dhexeeyay Kenya iyo Soomaaliya, isla markaana lasoo celiyay xidhiidhkii diblamaasiyadeed ee labada dal.

alt: Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta madaxa u gelinya Koofiyad hadlyad ah, Image file Araweelo News Network, 10 August 2021 Madaxtooyadda Mombasa ee Kenya.

Ra’iisal wasaare Rooble, wuxuu sidaa ku sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay wadahadal uu la yeeshay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, kaddib markii uu booqasho rasmi ah ku tegey dalka Kenya Salaasadii.

Wefdiga Ra’iisal wasaare Rooble oo ay xubno ka yihiin wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Mombasa wadahadal laba geesood ah kula yeesheen Madaxweyne Uhuru kenyatta iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xukuumadda dalka Kenya.

AKHRI: Rooble Oo Kulan Loo Qorsheeyay Inuu Dhexmaro Uhuru Kenyatta  Iyo Dareenka Uu Dhaliyay

Kulanka labada dhinac oo ahaa mid albaabada loo xidhay, oo aannay saxaafadu goob joog ka ahayn, balse Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, waxay labada dhinac ka wada hadleen dhawr arrimood oo ila xidhiidha arrimaha stiraatiijiga ah oo khuseeya danaha guudd ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu muhiimsanaa soo celinta xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Eng. Rooble ayaa xusay in booqashadiisu ay tahay mid lagu adkaynayo xidhidihka labada dowladood oo ay ka dhaxeeyaan arrimo badan, kuwaas oo u baahan in laga wada xaajoodo.

alt: Araweelo News Network

Kulanka Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee ka dhacay Madaxtooyadda Mombasa ee Kenya oo ay ku wehelyaan saraakiisha labada dhinac, Image file Araweelo News Network, 10 August 2021

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa qoraal saxaafadeedka ku xusay qoraalkiisa in arrinta muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aannay ahayn arrin haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli karaan, isla markaana lagu xallin doono go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, oo kiiska muranka soohdinta Badda ee labada dhinac horyaal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq oo warbaahinta la hadlay ka hor  intii aannay ka dhoofin magaalada Muqdisho, ayaa xaqiijiyay in wadahadalada uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la yeelanyo Madaxweynaha Kenya aannay qayb ka ahayn arrinta muranka Badda ee u dhexeysa labada dal, waxana uu caddeeyey in kiiska oo yaalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda uu marayo heer gabogabo ah, isla markaana laga dhursugayo go’aanka ugu danbeeya ee maxkamadda.

alt: Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kulanka ka dhacay Madaxtooyadda Mombasa ee Kenya, Image file Araweelo News Network, 10 August 2021

Hase yeeshee Madaxweyne Farmaajo, ayaa saluug weyn ka muujiyay booqashada ay Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalka Kenya Raychelle Omamo iyo wefdi ku weheliyay ku yimaadeen Magaalada Muqdjsho, iyadoo martiqaad uga siday raa’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble Madaxweynaha Kenya, taas oo uu ka ajiibay ra’iisal wasaaruhu, Balse Madaxweyne Farmaajo , ayaa si weyn uga cadhooday booqashada wasiirka arrimaha Dibedda Kenya ee Soomaaliya iyo casuumada Madaxweynaha Kenya u fidiyay ra’iisal wasaarihiisa, wuxuuna soo saaray qoraal digreeto ah oo uu ku sheegay in aannay masuuliyiinta xukuumadda iyo hay’addaha dawladda Federaalku aannay heshiisyo geli karin muddada ka hadhay xilliga doorashada, laakiin ra’iisal wasaare Rooble, ayaa arrintaa kaga jawaabay qoraal uu ku iftiiminayo in aannay jirin wax u diidaya in dalalka deriska ah ay la yeelan karaan wadahadal iyo in ay madaxda dalalka jaarka ah iyo cid walba oo danta Soomaaliya ku jirto la kulmaan, isagoo ku tilmaamay mid aan waxba yeelayn dalkiisa.

alt: Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo is dhaafsaday qoraalo mid walba dhankiisa akhiriyayo, kulanka ka dhacay Madaxtooyadda Mombasa ee Kenya, Image file Araweelo News Network, 10 August 2021

Si dhab ah looma ogga arrimaha ay labada dhinac ka wadahadleen marka laga reebo soo celinta xidhiidhkii diblamaasiyadeed oo sida uu sheegay ra’iisal wsaare rooble lasoo celinayo, balse waxa aan ka madhnayn in Kenya soo celiso xidhiidhkii ganacsi ee ay dalka Soomaaliya ugu soo dhoofin jirtay qaadka oo ay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo joojisay, kaddib markii uu xumaaday xidhiidhka labada dal, waxaase xilligan waxyaabaha ugu waaweyn ee Kenya danaynay ee ay ka wadahadleen ra’iisal wasaare Rooble kow ka ahaa qaadka ay Soomalaiya usoo dhoofin jirtay oo ka mid ah tiirarka dhaqaalaha Kenya, isla markaana muddadii ay Soomalaiya xayirtay si weyn u saameeyay dhaqaalaha dalka.

AKHRI: Somalila: Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Oo Boqasho Ka Cadhaysiisay Madaxweyne Farmaajo Ku Timi Muqdisho  iyo Ra’iisal Wasaare Rooble Oo U Jawaabay Farmaajo

Sidoo kale, waxa ila wareedyada diblamaasiyadeed ee ka agdhow kulanka labada dhinac tibaaxayaan in annay ka maydhnayn arrimaha doorashada ee Soomaaliya oo ra’iisal wasaare Rooble maamulayo, waxayna xukuumadda Kenya ee Uhuru Kenyatta si weyn u danaynay in aannu xukunka kusoo laaban Madaxweynaha xilligan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana muuqata sida laga arkayay muuqaalada in Madaxweyne Uhuru iyo ra’iisal wasaare Rooble is dhaafsadeen dukumentiyo u muuqda heshiisyo ay wada galeen oo ay labada dhinac is weydaarsadeen, wallow aannay jirin wax heshiis ah oo kulankaa kaddib ay labada dhinac shaaciyeen, amma ay la wadaageen saxaafadda.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com