Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Maayarka cusub ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdikariim Axmed Moogge, ayaa ka hadlay xilka loo doortay iyo waxyaabaha u qorshaysan ee Bulshadu ka sugayaan, wuxuuna isagoo warbaahinta la hadlaya markii xilka loo dhaariyay kaddib afaafka hore ee xatunta dawladda hoose ee  Hargeysa ka sheegay in uu shacbiga u balanqaadayo caddaalad iyo xaqsoor, isagoo fulinaya Kitaabta Allah ee uu ku dhaartay.

Cabdikariin Ahmed Moogge, wuxuu iftiimiyay rajo iyo yididiilo, isagoo xusay qaabka loo doortay isaga iyo sida ay xubnaha gollaha deegaanka cusub ee Hargeysa u doorteen isaga iyo Maayar ku xigeenkaka cusub, iyadoo aannu dhicin wax tartan ah, taas oo sida uu sheegay tilmaamay midnimo iyo inay Hargeysa middaysantahay, oo aannu ka dhicin wax tartan ah, sida magaalooyinka kale ee dalka.

“Maanta waa maalin Hargeysa taariikh u ah, waxaynu soo galnay doorasho reer Hargeysa midaysay, waxa Xildhibaanada dabadeyda taagan u coddeeyey dhammaan reer Hargeysa oo dhan, Anigana dhammaantood way ii coddeeyeen, sidaa awgeed wuxuu sheegay in doorashadu ahayd doorasho taariikhiya oo ka duwanayd qaabkii ay dadku doorashooyinka u coddayn jireen, “Waxan Allah ka baryayaa kuwa taariikh ka tagga, dadka Hargeysana waxan leeyahay wixii aannu idiin qabano naggu xusa oo sawiradayada ku muujisaan” Ayuu yidhi, Maayar Cabdikariim Moogge.

“Hargeysa waxay noqotay magaaladda keliya ee aan tartan ka dhicin ee xildhibaanadii lasoo doortay ay xilkas noqdeen ee ka taliyeen Walaalnimada, iyo midnimada reer Hargeysa, waxayna iyagoo midaysan oo gacmaha is-haysta soo galeen hoolka, waxayna ii doorteen Guddoomiyaha Gollaha Deegaanka Hargeysa,Walaalkay Khadar Axmed Cumar waxa isna loo doortay Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Deegaanka Hargeysa, midnimo ayaanu seeskeeda dhignay gurigaa midnimada ayaanu Hargeysa ka dhex taagaynaa Insha Allah.” Ayuu yidhi, Maayarka cusub ee Hargeysa.

Dhinaca kale, markii la doortay Maayarka iyo ku xigeenkiisa, waxa si weyn usoo dhoweeyay boqolaal qpf oo ku sugnaa barxada hpre ee xarunta dawladda Hoose ee Hargyesa, kuwaas oo ku faraxsanaa in Cabdikariim Axmed Moogge oo ahaa ninka ugu codka badnaa doorashada gollaha deegaanka Hargeysa, isla markaana jebiyay rikoodh cusub oo tirada codadka ah loo doortay Maayarka Caasimadda Hargeysa, waxayna markaa kaddib xubnaha gollaah deegaanka ee cusub oo ay hoggaaminayaan Maayarka iyo ku xigeenku qasriga Madaxtooyadda kula kulmaan Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadalo dardaaran ah u jeediyay xubnaha cusub ee gollaha deegaanka Hargeysa ee kusoo baxay doorashadii isku lamaanayd ee 31 May 2021.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com