Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Shirka Gollaha Wasiirrada Somaliland, ayaa lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka isku lamaanaa ee gollayaasha deegaanka iyo wakiillada, kuwaas 31 May 2021, ka qabsoomay geyiyaga Somaliland.

Fadhiga golaha wasiirrada, Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynuhu Muuse Biixi Cabdi, isla markaana uu ku weheliyay madaxweyne-ku-xigeenku, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), oo maanta ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda, waxa sidoo kale lagaga wada hadlay arrimo kala duwan oo salka ku haya bogaadinta doorashadii qiimaha lahayd ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka ee dalka dhawaan ka qabsoontay iyo xeerar.

 

Kulanka ayaa laga sheegay in golluhu shacabka reer Somaliland uga mahadnaqay sidii milgaha iyo xilkasnimada lahayd ee ay uga qaybgaleen doorashooyinkii isku sidkanaa ee gollayaasha wakiillada iyo deegaanka, taas oo kor u qaadday sumcaddii iyo karaamadii Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Alt: Araweelo News Network

Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali koore oo markii shirku dhammaaday warbaahinta faahfaahin ka siiyay shirka, ayaa sheegay in sidoo kale shirka la hor keenay xeerka hawlgabka shaqaalaha Somaliland oo muhiimad gaar ah u leh shaqaalaha kala duwan ee reer Somaliland.

“Waxa gollaha la hor keenay xeerka  Hawlgabka shaqaalaha Somaliland oo ah xeer aad  ugu muhiim ah ummadda reer Somaliland, haddii ay tahay dadka muddada dheer soo shaqaynayey  haddii ay shaqada ka nastaan qaabkii ay u noolaan lahaayeen iyo qaabkii ay xaqooda u heli lahaayeen iyo kuwa dhallinyarada ah ee wax soo bartay sidii ay shaqo u heli lahaayeen, kaas oo si aqoon iyo xirfad leh loo soo diyaariyey, lana jaanqaadaya miisaaniyaddeena iyo haynteenna.”ayuu yidhi, Koore.

 

Sidoo kale, waxa uu wasiir koore  sheegay in gollaha wasiirradu si weyn u falanqeeyey  haweenkii axsaabta kala duwan ee qaranka ka sharraxnaa ee u tartamay gollayaasha wakiillada iyo deegaanka ee aan guulaysan, waxana uu golluhu muujiyey inay xukuumaddu ka xun tahay guuldarrada haweenkaas soo gaadhay, lana dareen tahay gabdhahaas aan gaadhin guushii ay raadinayeen.

“Xukuumaddu way garowsan tahay in tiradii gabdhaha ahayd ee  la rabay inay labada golle kasoo baxaan aanay soo bixin, xukuumaddu ahaanna aad iyo aad baannu uga xunnahay, waxana aannu la jirnaa dhammaan gabdhihii aan soo bixin, xisbi kasta oo ay ka tirsan yihiinna waanu dhinac taagannahay, waana aannu la dareemaynaa xanuunka ah inaanay tartankii dheeraa ee ay galeen aanay guul ka gaadhin, xukuumadda Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay diyaar u tahay inay gabdhahaas la kulanto, lana fahmo wixii caqabad ku ah, si macne lehna loo lafo-guro, loona banneeyo gabdhaha goobo ay kasoo geli karaan siyaasadda,” ayuu yidhi wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

 

Dhinaca kale, Gollaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sidoo kale, ka hadlay  Ardayda sannadkan geli doonta imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo fasallada Afraad ee dugsiyada sare oo tiradoodu dhan tahay   32,900 (Laba iyo soddon kun iyo sagaal boqol) oo Arday, waxayna u rajeeyeen in ay guul ballaadhan kasoo hooyaan imtixaanada shahaadiga ah.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com